Wednesday, November 10, 2010

KULANKII DAHIR RIYAALE KAAHIN IYO UCID LONDON

London(burcotoday)-Madaxda Xisbiga UCID oo salaan sharaf ugu tagay maxadweynahii hore ee Somaliland Dahir Riyaale Kaahin.  Qaar ka mid ah madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland UCID  ayaa salaan sharafeed ugu tagay madaxweynahii  hore ee Somaliland  Dahir Riyaale Kaahin Hotelka uu degan yahay ee magaalada London, Madaxdii soo salaantay Dahir Riyaale kaahin oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ibrahim (Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada, Siciid Cumar Ahmed (Gudoomiyaha Yurub) iyo Sacad Maxamed Qawdhan (Gudoomiyaha Maaliyada Yurub)

waxa ay  Dahir Riyaale u sheegeen in aad tahay Aabahii Dimoqradiyada Somaliland,kuna hanbalyeeyeen  sida wanagsan ee aad ka yeeshay doorashadii iyo xilwareejintii sida quruxda badan u dhacdey. waxa kale oo ay soo qaateen in aduunka iminka uu  farta kusoo fiiqaayo horumarka Somaliland tasoo ay hormuudka tahay natiijadii kasoo baxdey

doorashadii dhacdey ka dib,waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii labada xisbi mucaarad ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen, madama ay yihiin iminka laba xisbi mucaarad oo ayna yeelan donaan xidhiidh dhow.  Dahir Riyaale kaahin ayaa dhinaciisa mahadnaq usoo jeediyey madaxdan xisbiga UCID ee salaanta ugu timid,

kuna amaanay inaad had iyo jeer hadaad tihiin xisbiga UCID aad jeceshahiin wanaaga iyo isku duubnaanta shacabka iyo horumarka Somaliland. sidaa si leegna aad halkaa kasii wadaan dedaalkiina, Waxa uu ahaa kulan aan caadi ahayn oo ahaa salaan sharafeed, lakiin ka dibna laga wada hadlay arimo ku saabsan labada xisbi mucaarad iyo isusoo dhawaanshaha labada xisbi  mucaarid ee UDUB iyo UCID,tasoo horseedi karta horumarka dimoqradiyada Somaliland inay

taaboqaado.  UCID MEDIA


0 comments:

Post a Comment