Sunday, November 14, 2010

Hargeysa: Xaflad balaadhan oo loo sameeyey 109 Ardey oo Maanta ka qalinjabiyey Edna Aadan University Hospital iyo Weedhihii Masuuliyiintii Kahadashey + SAWIRO

hargeysa (burcotoday)- Xaflad Aad ubalaadhan oo ay ku qallinjabinayeen 109 Ardey oo ka qalinjabiyey  qaybaha kala duwan ee caafimaadka ayaa saaka lagu qabtey hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa.
Xadladan waxaa kasoo qaybgalay Marwada 1aad ee Madaxweynaha Somaloland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde,{Aamina Waris}’Maamulaha Adna Adan University Hospital Marwo Adna Aadan Ismaaciil,Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Maxamed Muxumed,Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigellinta C/laahi Jaamac Geeljire Professor Siciid Axmed Xasan,Dr Diiriye madaxa Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa,Suldaan Bareiyo madax dhaqameed kale iyo martisharaf kalle duwan oo  ka socotay qaybaha kale ee bushada.
 
Ugu Horeyn waxaa Furitaankii xafladaasi ka  hadashey Maamulaha Adna Adan University Hospital Marwo Adna Aadan Ismaaciil,waxaanay ka warantay taariikhda Hopitalka waxa ay sheegtay inay ardeydan maanta qallinjabineysaa  isugujiraan qaybaha kala duwan ee caafimaadka 109 ardayna  kakooban yihiin.
 
Marwo Adna waxay sheegtay inay soo dhamaysteen 4 sanadood oo ay kusoo guuleysteen waxbarashadii ay baranayeen , waxayna intaasi kudartey  inay dhalinyaradaasi soo barteen qaybaha Caafimaadka kasakaw inay tabar dheeraad ah kusoo qaateen sida dadka Bukaanka ah loo daryeelo.iyada oo wali sii sharaxaysa arimaha Caafimaadka Marwo Adna waxay sheegtay inay khatar weyn ku tahay Bulshada dadka aan khibradda lahayn ee caafimaadka ku shaqeeya.
 
“Somaliland markii hore waxaan kasoo dhicinay gacan cadaw maantana waxaan la jihaadaynaa cadawkale oo ah Jahliga”ayey tidhi Marwo Adna Aadan.dhaka kalana waxay sheegtay inay kamid yihiin 42 gabdhood oo ka kalayimid gobalada dalka. waxaa la yidhaadaa 5000 kun ee meel daganiba inay helaan Hal Umuliso”ayey sii raacisay iyada oo faah faahin ka bixinaysa arimaha Caafimaadka Marwo Adna Aadan Ismaaciil. Waa inay joogto meesha ay qofka dumarka ahi ku dhalayso Umuliso khibrad fiican u hel “ayey tidhi.
 
“waxaanu aragnay 5 maalmood dabadood gabadh ay wali mandheertii ku jirto waxaanay halistaa u gashay aqoon la’aan ku dhacay iyada oo wayday Umuliso khibrad fiican hel” waxaad ii ogolaataan inaan la dardaarmo ubadkaa aan maanta Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka kusoo wareejinayo inaan la dardaarmo” ayey tidhi.
 
Waxaanay u sheegtay ardaydaasi qaadanayey maanta Shahaadooyinka Caafimaadka inay ogaadana inay Imtixaankii dhabta ahaa galeen wixii horana aanu ahayn Imtixaan “hadii aydaan diyaar u ahayn inaad naftiina u hurtaan dadka Bukaanka ah hadda iska siiba Dirayskaa aad xidhantihiin”ay tdhi marwo adna  
Iyada oo wali ku gudajirta dardaaranka ardayda waxay u sheegtay inay ka taxadaraan inay sumacad xumo usoojiiidaan iyada iyo Hopitaalkaba “meeshaad martaamba waan idin dabasoconayaa oo waan idin eegayaa manajirto wax iiga dhaawac badan in laygu yidhaado waar mawaxanay noo keentay”
 
MaamilahaAdna Aadan University Hopital waxay halkaa mahadnaq balaadhan ugasoo jeediysay wadamada iyo Hay’adaha kaalmada ugu deeqa Hospitaalkeeda sida Maraykanka, Ingiriiska,Finland,Norway iyo kuwo kale.
 
Dhanka kalana waxay kula dardaarantahay inay wamada deeqaha bixayaa ay sii wadaan taakulaynta tababarada lasiinayo bahda Caafimaadka “waxaanu tababaray 19 xoghaye ee sii wada taba baradooda”ayey kusoo gaba gabaysay hadalkeeda maamulaha Adna Aadan University Hopital.
 
Waxaa xafladaasi saaka  ka hadlay arday ku hadlayey magaca ardayda qaadatay Shahaadooyinka oo la yidhaado magaciisa Khadar ardaygaasi oo khudbadiisa ku soo jeediyey luuqadda afka Ingiriiska waxa uu ka waramay siday u wajihi doonaan arimaha adage ee Caafimaadka ee horyaala kooxoodan iyo siday diyaarka ugu yihiin inay kasoo baxaan kaalintooda kaga aadan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo.
 
Waxaa iyna halkaa ka hadashay Faado Cabdikaahin oo ka mida Bahda Caafimaadkii hore waxaanu sheegtay inay wax lagu diirsado ama lagu daydo tahay waxqabadka muuqda ee ay ka batay Marwo Adna Aadan.waxaa iyana halkaa ka hadashay Sayban Xuseen oo kamida ardayda qalinjabisay oo ku khudbaysay Luuqadda Carabiga soo jeediysay khudbad aad looga khushuucay.
 
Waxaa isna Sidoo Kalle munaasibadaasi saaka  ka hadlay arday kale oo kamida kooxa ka qalinjabisay barashada sida loo iibiyo Dawooyinka [pharmacy] waxaanu ka waramay siday isugu xidhanyihiin xirfadaha kala duwan ee Caafimaadka “bahda Caafimaadku waa sidii Silsilad isku wada xidhan oo kale”ayuu yidhi.
 
Waxaanu aradaygaasi intaa ku daray inay diyaar u yihiin inay caawiyaan dadkooda iyo dalkooda u baahan daryeelka Caafimaadka “waa mid aanu diyaar u inaanu sii wadidoono caawinta bulshadayada ee maaha mid aanu guryahayaga la fadhiisandoon xirfadan aanu soo baranay”ayy yidhi.
 
Dhanka kalana waxa uu kula dardaarmay Saaxiibadiisa ay wada qalinjabiyeen inay ilalaaliyaan akhlaaqda suuban iyo karaamada sidii ay ula dhaqmilahaayeen bulshada.waxaa iyana halkaa ka hadashay Muna Cabdullaahi Biixi waxaanay ka warantay sidii ay wax kusoo barteen iyo kaalintii qiimaha lahayd ee ay ka heleen dadkii wax soo baray sida Adna Hopital iyo qaarkamida Hay’adaha sida UNFPA iyo qaarkale.
 
Wasiirka warfaafinta Somaliland  Cabdullaahi Jaamac Cismaan [Geeljire] oo xafaldaasi kahadley ayaa  ka waramay halkaa kasoo jeediyey ereyo kaftan iyo qosal huwanaasagoo ugu horey hambalyo udirey ardeyda qallinjbisey waxaanu mahadnaqbalaadhan usoo jeediyey mamulha adna hospital marwoa dna adan dadaalka ay u horet ardeydaniq alinjabineysa waxaanu wasiirku gabgbadii yidhi “kaftanbaan layga tag helayne aan intaa ku soo gaba gabeeyo” ayuu yidhi C/laahi Geeljire.
 
Waxaa isna munaasibadaasiq allinjabinta kahadley  Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), waxaannu u mahadnaqay Marwo Edna Aadan, isla markaana waxa uu hambalyo u diray ardayda qallinjebisay.
“Waa xaflad gaar ah oo xusuusteeda mudan, waxa ku jira qaybo inagu yaraa ama aan jirinba, waxa ina daashaday nin is yidhi dawada ayaa lacag laga healy
Waxaan aaminsanahay in dufcadani tahay tii uug horreeysay ee aynu kaga maarmi lahayn malaha tanay u eegtahay, waxanaynu kaga maarmaynaa nin furtay sandaqad yar oo xagga caddeed dhaca u jeeda oo dawada u dhaw soo qabta.
Adduunka waa ka mamnuuc qof aan aqoon caafimaad lahayn oo dawo iibin karaa, waxaannu ku dadaali doonaa in tababarka iyo aqoonta la idin siiyey aynu kordhino oo la helo dad ku filana, markaa kadib ayeynu soo saari karnaa wareegto sheegaysa in qof aan aqoon u lahayni uu farmasii uu iibiyo.
 
“Waad ogtihiin oo waddankeenu waxa uu xagga sare ee adduunka kaga jiraa dhimashada hooyada, adduunkana waxa la isugu faanaa yaraynta dhimashada hooyada iyo ilmaha yar. Waxaan ku faraxsanahay in aad tihiin cududii yarayn lahayd dhimashada hooyada iyo ilmaha,” ayuu yidhi Wasiirku.
 
Dhanka kalana waxa uu carabka   ku dhuftay wasiirku inuu soo wadamaray gobalada oo dhan marka laga reebo gobalka Sool isla markaana intii uu kormeerkiisa ku gudajiray waxyaabihii ugu badnaa ee ay dadku ka cabanayeen inay ahaayeen deegaanadaasi oo aan lahayn gaadiidka gargaarka degdagga ah [Umbulence]
 
“wakaasoo Cabdihaybe [wasiirkiihore] wuu fadhiyaaye markii aan soo marayey gobalada dalka Sool mooyaane waxa ugu badan ee ay dadku ka cabanayeeni waxa uu ahaa maad noo keentaan Umbulence” ayuu yidhi wasiir Xoog.
 
Ugu dambeyntii waxaa Xafladaasi kahadashey oo suugunanadey  Marwada 1aad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Amina Waris Sheekh Maxamed Jirde waxayna sheegtay inay aad ugu mahad naqayso Marwo Adna maadaama ay iyada Macalimadeedii Caafimaadka ahayd “waxaan aad iyo aad ugu mahd naqayaa Marwo Adna oo ah macalimadaydii”ayey tidhi Marwo Aamina Warsi.
 
Dhanka kalan waxay kula dardaarantay arday shahaadooyinka la gudoonsiiyey inay yihiin xad xul ah oo lagu kalsanoonyahay “inkastoo aan 25 sanadood galay xirfado kale hadana waxaan waligay qalbiga ka ahaandoonaa gaagarto caafmaad” ayey tidhi Marwada 1aad Amaina Waris Sheekh Maxamed waxaanay Ilaahay uga bariday in uu cimrigeeda u dheereeyo.
 
Ugu dambeyntii waxay Marwada kowoaad iyo wasiika caafmaadku shahaadooyin gudoonsiiyeen Ardeydii kalle duwaneyd ee kaqallinjabiyey Adna Adan University Hospital .
waxaa ay xafaladani oo aheyd mid aad u quruxsanyd kusoo gabagbawdey jawo farxad iyo reynreyn leh.

0 comments:

Post a Comment