Wednesday, November 10, 2010

Micheal Jackson oo Soo Saaray Hees Cusub & Heestaa oo Muran Badan Dhalisay Inuu Isaga Yahay Qofka Heesayaa & In Kalle

LOSANGELES(burcotoday)- Shirkada Qaabilsan heesaha Fanaankii Micheal Jackson ayaa soo saartay hees cusub oo uu qaadayo fanaankii geeriyooday ee  King Of Pop Jackson, Heestaa oo lagu magacaabo Urgent News ayaa kamida Albam cusub oo ay shirkadaasi sheegtay inay yihiin heeso uu qaadayo Micheal Jackson,

Heestan oo maalintii Shalay lagu soo daayey Internetka ayaa keentay muran badan oo ku saabsan in fanaanka heesta qaadaayaa uu yahay Micheal Jackson iyo in kalle, Shirkada Soo saarta heesaha fanaankan ayaa sheegtay in heestaa la duubay sanadkii 2007 isla markaana iminka la dhameeyey soo saarideeda. Heestan ayaa ka hadlaysa taariikhdii uu soo maray fanaanka dhintay ee Micheal Jackson,
Heestan ayaa waxaa ku jiray muuqaal muujinaya Aabaha iyo hooyada dhalay Micheal Jackson iyo sadexda caruura ee uu dhalay fanaankaasi iyagoo ka qeyb galaya barnaamijka Telefishinka ee caanka ah ee The Oprah Winfrey Show iyagoo ka hadlaya noloshooda kadib markii uu dhintay fanaankaasi sanadkii hore isagoo 50 jir ah,
Laakiin wiilka uu dhalay fanaankaasi iyo inantiisa weyn ayaa shaki ka muujiyey in qofka heesta qaadaayaa inuu yahay Aabahood Micheal Jackson, dhinaca kale Micheal walaashii Latoya ayaa iyaduna shaki galisay inuu yahay qofka heesta qaadayaa walaalkeed JacksonMicheal Aabihii ayaa isaguna sheegay in wiilkiisa aan lagu aqoon inuu soo saaro heeso kalla dhiman iyadoo guud ahaan dadka Taageeri jirayMicheal Jackson ay Heestan ku qeyb sameen qaar taageeraya iyo qaar ka shakisan inuu yahay qofka heesayaa Micheal Jackson,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment