Saturday, November 6, 2010

War deg-deg Ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Caawa Gaadhi Kula Qalibmay Meel U Dhexaysa Berbera Iyo Hargeysa & Dhaawac Soo Gaadhay Wasiirka

Hargeysa (burcotoday)- Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa caawa abaaro 10kii habeenimo uu gaadhi kula qalibmay agagaarta buurta lafa-ruug ee u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa.

Wasiirka oo markiiba loola soo cararay dhinaca cusbitaalka Hargeysa, ayaan dhaawaciisu sahlan yahay, isla markaana ilaaladii la socotay ayaa iyaga laftoodu ay xaaladii ladan tahay.

Inkasta oo aan ilaa hadda si cad loo ogayn sababta keentay shilka gaadhiga Wasiirka, oo si weyn waxyeeloobay ayaa hadana ilaahay ka samata-bixyey Wasiirka iyo intii la socotay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xilliga uu shilka la kulmay ka soo kici-timay dhinaca gobolada Bariga Somalilnada kana mid ahaa weftigii xukuumada Somaliland u xil-ka-saartay wada-xaajookdii madax-dhaqameedka Widhwidh, ayaa qaybtii kale ee weftigu waxa ay kaga hadheen oo ay hoyden magaalada Burco.

Wararkii ugu dambeeyey ee na soo gaadhayaa waxa ay tibaaxayaan in xaalada Wasiirku ladan tahay, isla markaana la geeyey gurigiisa magaalada Hargeysa.

Wixii war ah ee ka soo kordha arrinta Wasiirka wararka dambe ayaanu idinkula soo socodsiin doonaa.

0 comments:

Post a Comment