Sunday, November 7, 2010

Madaxda Maammulka iyo Ciidanka Qaranka Sanaag Oo Canbaareeyey Hadalkii Kasoo Yeedhay Madaxweynaha Puntlnad.

CEERIGAABO(burcotoday) Badhsaabuxigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka gobolka Sanaag Muuse Jaamac (Delef) oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamnka qaranka ee fadhiyadoodu yihiin degaannada bariga sanaag ayaa shir jaraa’id oo subaxnimadii sabtida ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta maammulk gobolka Sanaag ee Ceerigaabo wxay waxba ama jiraan aan sal iyo raad toonna lahayn ku sheegeen hadalka dhowaan kazoo yeedhay madaxweynaha maammul-goboleedka Puntland oo waraysii uu siiyey idaacadda BBC qaybta Afsoomaaliga uu kku sheegay in ay wada shaqayn la leeyihiin islamarkaasna taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo ciidankaba siiyaan xoogagga uu hoggaamiyo Maxamed Sciid (Atam) ee ka dagallama degaannada buuraleyda Galgala sidoo kalena ay jiraan xubno firxad ciidammadaas ah oo dagaalkii dhex maray Puntland kaddib soo galay degaannada gobolka Sanaag.  Waxayna mas’uuliyiintani shirkan jaraa’id ka sheegeen hadalka madaxweyne-Faroole kazoo yeedhay in uu salka ku hayo damaca siyaasadeed ee hanashada degaannada sanaag-bari iyo weliba waxa ay ku sheegeen dagaal mar kale ka cusboonaada macdanta ku duugan degaannadaas.


“Gobolka Sanaag annagoo ah madaxdii maammulka iyo ciddammada qaranka ah waxannu maanta shirkan jaraa’id u qabannay in aannu kaga hadalno warka madaxweynaha Puntland bishan 4-teedii uu ka sheegay  iyo hadalladiisii ay kamid ahayd ciidan firxad argagixiso ahi u sugan yihiin gobolkan iyo in saraakiishan dhinacayga fadhiya ee ciidammada qaranku taageero siiyaan oo aannu aad uga xumaannay “. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Badhasaab kuxigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid.
Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray “Gobolka Sanaag annaga ayaa ka madax ah oo joogna inta xuduuddeda ahna waannau ka war haynaa mana soo gelin marnaba wax ciidanka Atam ka tirsan mid firxad ah iyo ciidan kale toonna, isaga (Faroole) ayaana sheegi doona caddaynta warkaas”. “Saraakiishan ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka qaranka ee gobolka Sanaag Col-Muuse Jaamac iyo Axmed Maxamed Cali iyo C/shakuur Cali Cige ee manta dhinacayga fadhiya oo uu Faroole yidhi ciidanka Atam ayay taageero iyo wada shaqayn la leeyihiin waxay ciidnkayaga qaranka gobolka Sanaag mana aha rag waxaas weligood galay ama ku lug yeeshay mana geyaan hadalladaas aadna waxan uga xumahay madaxweynaha Puntland in uu maanta saraakiishan Somaliland ka tirsan ee aanay shaqo isku lajayn kelmedahaas ku yidhaahdo waxannuna leenahay Madaxweyne-Faroole ka noqo hadallkaas”.
Taliyaha ciidanka qaranka saldhigga 3-aad ee gobolka Sanaag Muuse Jaamac (Delef) oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi
“Annagu waxannu nahay ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland waxannuna u dhisan nahay difaaca qarannimada iyo xuduudaha dalka mana jirto cid katirsan ciidammada Atam oo degaankaas ka jooga iyo wada shaqayn ama wax xidhiidh aannu la leenahay toonna, ciidanka ninkaasina (Atam) kama tirsana ciidanka qaranka, ka hor tagga argagixisadana mandaqadda ayaannu kala mid nahay mana oggolin in ay gobolkayaga iyo Somaliland toonna soo galaan,  waxayse u muuqataa hadalka Madaxweyne-Faroole mid salka ku haya dagaal kazoo cusboonaada macdanta degaannadan ku duugan iyo in siyaasaddiisa maammul oo uu taageero uga waayey bulshada degaannadaas ku dhaqan uu fursad adeegsi ah uga jeedo”. “Saraakiisha uu maanta eedaynayona waa kuwii ay isku qabteen macdanta degaankan ku duugan ee dagaalku ka dhacay, markaa waxan leeyahay dagaalkii macdantu waa dhammaadaye yaanu nagula soo gal galan dhibaato dhexdiisa (Puntland) ka jirta, halka uu Faroole yidhi Dhahar ayay joogaan waxan leeyahay Dhahar waa degmo Somaliland ka tirsan dadka joogaana waa dadkii beeraleyda aahaa ee uu Galgala kazoo qaxiyey oo uu rabo mar kale in uu sii qaxiyo”.

Dhinaca kalena inkastoo aanay afka ku dhufan haddana madaxda shirkan jaraa’id qabatay ayaa laga dareemayey saluugga debecsanaan ka muuqanaysey hadalkii Wasiirka Difaaca Somaliland arrintan kaga jawaabey.

0 comments:

Post a Comment