Thursday, November 11, 2010

Dood lagu lafo-gurayo hoos u dhaca ku yimid Dugsiyada Dawliga ah oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarta Somaliland Youth Forum SYF

HARGEYSA(OWN)- Doodan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay Hotel Mansoor ee magaalada Hargaysa waxana si wada jir ah usoo qabanqaabiyey ururka SYF iyo gudida ardayda dugsiyada sare ee caasimada hargaysa, iyada oo lagu lafo guray Maxaa Sababay Hoos u dhaca waxbarasho ee dugsiyada dawliga ah. ( Horseedkii Orodka Gaabshey) Doodan oo si qurux badan u dhacday hotel mansor waxa ka soo qaybgalay Chief Of Cabinet ka Xirsi  Cali X. Xassan iyo xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Kayse Xasan Cige iyo xildhibaan C/qaadir Maxamed Xassan Indho- indho, haaydad AET madax ka tirsan iyo dadwayne aad u tiro badan oo isugu jira ardayda dugsiyada sare iyo maamulayaasha dugsiyada caasimada qaar ka tirsan.



Ugu horayn waxa furay xafladan Gudoomiyaha uruka SYF Mawliid Cumar Kibaar, isaga oo ka waramay taariikhda SYF iyo ujeedada ay ka turjumayso munaasibadani, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay:-
“ horaantii bishii sagaalaad 2006 ayey ahayd xiligii aan ku dhawaaqnay SYF, iyada oo ay fikirku ka yimid dhalinyar ka baxday jaamacadaha dalka iyo dhalinyar qurba joog ah oo xiligaa ku sugnaa dalka, ujeedada laga lahaana ay ahayd sidii la isugu xidhi lahaa dhalinyarta qurbe jooga ah ee reer Somaliland iyo dhalinta dalka joogta, taasi oo aan istusnay in baahi wayn loo qabo in la isku xidho dhalinyarada dalka iyo dibada si loo horumariyo danaha dhaqan dhaqaale, xuquuqeed, waxbarasho ee ay u baahanyihiin dhalinyarada dalka ku sugan, iyada oo keentay arintaas fikirkeedii midho dhal la taaban karo oo xag walba leh, SFY waxay xarumo kala duwan ku leedahay wadamada yurub qaar ka tirsan sida wadanka germany oo ay joogto Dr saynab maxamed muuse iyada oo had iyo jeer ku hawlan sidii ay dalkan iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahayd, Dr saynab ujeedada ardaydan in meel la isugu keeno oo gudi loo sameeyo iyada ayaa fikirkeeda lahayd waxanan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay had iyo jeer ugu hawlantahay arimahan mutadawacnimada ah waxan leeyahay illaahay ha kaa abaal mariyo.

Dhinaca kale haddii aan wax idiinka sheego ujeedada ka danbaysa munaasibadan, SYF maadaama aan had iyo jeer ku hawlanahay arimaha waxbarashada waxan baadhitaan in mudo ahba ku haynay baahiyaha waxbarashada dugsiyada dawliga ah, anaga oo u sii marayna wasaarada waxbarashad oo aan wada shaqayn leenahay. waxa markaas noo soo baxday in ay jirto baahiyo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin, taasina waxay sida cadceeda noogu soo baxday markii ay dugsiyada dawliga ahi ka gaabsheen in ay ku jiraan hormuudka imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka, iyada oo dhinaca kale ay wax barashada gaarka loo leeyahay ay ahaayeen kuwa ku guulaystay kaalmaha hore ee waxbarashada dugsiyada sare ee dalka. Hadaba si loo eego bal halka ay wax ka qaldanyihiin waxay ka fursanwayday bal in arintan si qaran iyo si gaaraba loo eego, si bal xal loogu helo Horseedkan socodka gaabshay. Hadaan indho gaar ah loo yeelan arintan cawaaqibka ka dhalandoonaa waa mid ina wada taabandoona, waana taas ujeedada ka danbaysa kulankan.

Waxa isna kulankan si qoto dheer ugu hadlay agaasimaha fulinta SYF Mustafe Nuur Obsiiye, isaga oo ka hadlay wax qabadkii syf kuwooda la xusi karo, waxaanu yidhi SYF waxay ka shaqaysaa arimo badan oo isugu jira tababaro ay siiyaan ardayda dugsiyada sare, tababaradaas oo aan kor ugu qaadayno ardayda dugsiyada sare ee caasimada gudidooda, casharada aan siino waxa ka mid ah maamul wanaaga, hogaaminta suuban iyo sida ay wakhtigooda u maamuli lahaayeen. Dhinaca kale syf waxay daawooyin u qaybisaa dhamaan dhakhtaradda lixda gobol ee JSL iyada oo aan daawooyinkaas ka helno dad ka tirsan jaaliyada dibada gaar ahaan magaalada kardif ee wadanka ingiriiska, arintaas oo uu si gaar ah ugu soo shaqeeyeen C/karimiim dhagasood iyo Maxamuud Abokor. Waxaanan u mahad naqayaa sidaa ay ugu dadaalayaan dalkooda hooyo. C/casiis Axmed Jaamac oo ah gudoomiyaha gudida ardayda dugsiyada sare ayaa isaguna ka hadlay mudadii ay jireen iyo waxyaabihii usoo qabsoomay, isaga oo ka codsaday SYF ka sakow in ay cidii kale ee ay hawli ka soo gashana ay u fududayso sidii ay iskugu xidhilahaayeen ardayda dugsiyada sare kadibna ugu gudbi lahaayeen gobolada kale.

Waxa isna ka hadlay kayse xasan cige xoghayaha xisbiga kulmiye, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in ay muhiim tahay in la sameeyo kulamo noocan oo kale ah si loo daboolo baahiyahaa halkan lagu soo bandhigay, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, inkasta oo ay jirto baahi badan oo dalka taala oo hada xukuumadan cusubi la kulantay hadana xisbiga kulmiye wuxu la xisaabtamayaa xukuumadiisa halkii uu xisbi kale oo mucaarad ahi kala xisaabtami lahaa dawlada si loo daboolo god daloolooyinkaas, syf waxan uga mahad celinayaa sida xilkasnimada leh ee ay had iyo jeer isugu xilsaarto had iyo jeer horumarinta dalkooda hooyo.

Guntii iyo gabagabadii waxa soo xidhay xafladan xoghayaha guud ee madaxtooyada xirsi xaaji cali isaga oo tilmaamay in ay muhiimtahay in arimahan oo kale la joogteeyo si kolba loo ogaado meelaha ay dhaliili jirto, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa maadaama aan anigu munaasibadan maanta idinkala joogo dawlada waxan balan qaadaynaa intii karaankayo ah in aanaan waxba hagran doonin sidii wax looga qaban lahaa hoos u dhacaa ku yimi wax barashada dugsiyada sare iyo haddii ay tahay dugsiyada hoose/dhexeba, waxanan ka wada xidhiidhi doonaa wasaarada waxbarashada oo qaranka u xilsaaran waxbarashada, ardaydana waxan farayaa in ay iyaguna dhankooda hagaajiyaan haddii ay tahay akhlaaqiyaadka waxbarasho iyo kuwa muwaadinimaba, waalidiintana waa in ay kaalintooda buuxiyaan si aan u saxno qabyada jirta.

Intaa ka bacdi waxa gudoomiyaha syf gudoonsiiyey shahaado sharafyo mudanayaasha kala ah Xirsi Cali X. Xassan , xildhibaan C/qaadir Maxamed Xassan, Kayse Xassan Cige, Dr saynab maxamed muuse oo ah xubin qurbe joog ah oo wakiil uga ah syf wadamada yurub.






0 comments:

Post a Comment