Tuesday, November 16, 2010

Munaasibada Ciidal Adxa iyo sida Looga Ciiday Magaalo Madaxda Sanaag Ee Ceerigaabo+ Sawiro

ceerigaabo(OWN)- Kumanaan kun oo ka tirsan shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo ayaa saaka hiirtii waabari isugu soo baxay fagaaraha garoonka kubada cagta ee daalo waxaana ay isgakala yimaadeen dhammaanba xaafadaha ay koobsato magaaladu si ay u oogaan tukashada labada ragcadood ee salaada ciidul adxaha , waxaan munaasibadaa kala qaybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada ,

waxaana ugu horayn hakaa ka soo jeediye wacdi diiniya khadiimka magaalada cerigaabo Sh. C/raxmaan xasan Nuur oo ka waramay faa’idooyinka ciidul adxaha waxaana uu kula dardaarmay in la caawiyo dhammaan masaakiinta eek u dhaqan magaalada

waxaa isna munaasibadaa ka hadlay Sh.Maxamed Cali Biixi oo kamida culimada waaweyn ee gobolka sanaag ayaa isna dhankiisa umahad naqay shacabka ku dhaqan magaalada waxaana uu xusy in maalintan oo kale ay kala qayb qaadanayaan walaalohooda xajka loona baahan yahay in la caawiyo masaakiinta

waxaana munaasibadaa soo afmeeray Gudoomiyaha gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre
oo uhambalyeeyey dhamaan umada mislimiinta ah meelkasta oo ay joogaan waxaan uu ilaahay uga baryey inay ciidka ciidkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo

Iyadoo aad ku arkaysay dhammaan shaaracyada iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada dadweyn aad u buux dhaafiyey iyo caruuro ku gaashaaman qalabka ay curuurtu ku ciyaarto waxaana ay dhamaan bulshaweynta ku dhaqan magaalada cerigaabo ay isgu hamablyeynayeen farxada munaasibada ciidla adxaha


Wararka aanu ka helaynoo dhammaan degmooyinaka iyo tuulayowga ku gadaaman gobolka sanaag ayaa sheegaya in munaasibada caynkan oo kale ahi ku qabsoomeen

0 comments:

Post a Comment