Monday, November 8, 2010

Ciidanka Booliska Oo Xoog Iyo Rasaas Ku Kala Diray Koox Arday Ah Oo Mudahraad Rabshado wada la Hor Tagay Xarunta Wasaarada Caafimadaka-sawiro‏

Hargeysa (burcotoday)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta xoog ku la diray koox arday ah mid ardayda wax ka barta machadka tabarka kalkaaliyayaasha  caafimaad ee magaalda Hargeysa ardaydaas ayaa waxa ay  Mudaharaad la hor tagay Xarunta Wasaarada Caafimaadka.

Ardaydan ayaa waxa ay ka cabanayeen qorshe ay Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland ku dhimayso tirade ardayda wax kabarata Dugisaga kalaaliyeyaasha Caafimaadka ee dawliga ah , qorshan ay wado Wasaarada Caafimaadka ayaa ay si weyn ugu biyadiideen Ardayda wax ka barta Machadka Tabarka Caafimaadka ee magaalda Hargeysa.

Waxna ay ardaydu sheegeen in ay dhigtaan ku dhigtaan dugsigaas 180 arday isla markaan a ay dhiganayeen mudo laba sanadod ah waxa ay sheegeen in uu u imid Madaxa tababarada ee Wasaarada CaafimaadkaDr.Shiine  waxa ay  intaas ku dareen in masuulkaasi u sheegay in ay Wasaaradu imtixcaanka qaadayso ardayda dhigata dugisaga tabbarka kalakaaliyaaca Caafimaadka marka ay imixaankaas ka qaadaana ay 50 arday ee ugu sareeya qaadanayaan.
Araday ka mida ardayda cabashada waday ayaa waxa uu saxaafada u sheegay sidan “Waxaanu machadka dhinanaynay mudo ku siman 2 sanadood waxan qalin jabintayadii ka dhiman 1 sano waxa naloo sheegay in ay Wasaaradu qaadanayso 50 arday waxa aanu nahay 180 araday taas oo macanaheedu yahay 130 arday ha isk tagaan, mana aqbalano taas waayo waxanu meesha u soo kalhaynay 2 sano oo waliba bishii nalga qaadayey 25$ dollar, oo uu kharashkii kalena noo dheer yahay” sidaan waxa yidhi mid ka mida ardaydii mudaharaadaysay.
Ardaydan ayaa waxa ay cabashadooda la hor imaadeen xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Magaalda Hargeysa, waxa cabashadaasu markii dabe isu badashay mudaharaad wata rabshado, waxa ay ardaydu halkaas kharaase ku gaadhsiiyeen qaar ka mid agaadiidkii hor yaalay Xarunta Wasaarada Caafimaadka.
Intaasi ka dibna wax goobta soo gaadhay ciidanka booliska oo cirka u riday Rasaas ay dadka ku kala firdhinayeen, waxana ay  qabqabteey qaar ka mida ardaydii rabshaha waday, sidoo kalena waxa ay Ciidanka Boolisku qabqabteen wariyayeel ka mida Saxaafada madaxabanaa ee Somaliland oo iyagu goobtaas sawro ka qaadanayey.
Ma jirto cid wax ku noqotay rasaasta ay Ciidanka Boolisku fureen,   sidoo kalena ilaayo hada ma jiro wax xog rasimaya oo ay arintaas ka soo saaratay Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland, sidoo kelna waxa xisid mudan in Wasiirkii iyo Wasiirku Xigeenkii Wasaarada Caafimaadku ay sarafa shaqo ugu maqan yihiin magaalo madaxda Gololka Sanaag ee Ceerigaabo,halka uu Agaasimaha Guud ee Wasradu ka gaabsaday in uu arintaas ka hadalo.


Saddam Mohamed ahmed

0 comments:

Post a Comment