Tuesday, November 9, 2010

Dab Maanta Ka Kacay Guri Reer Danyar ahi Lahayeen oo Ku Yaala Magaalada Burco Gabi Ahaantiisna Shuf Beelay +Sawiro

Burco-(burcotoday)-Waxaa maanta ku shufmeelay Guri dad danyari lahaayeen oo ku yaala xaafada shacabka ee magaalada Burco kaas oo aan sababin khasaare nafeed balse sababay inuu guud ahaanba gubto hoygaasi ay ku hoyanjireen reer danyar ahi kuwaasi oo kaga maqnaa xiliga uu gurigoodu gubtay Suuqa oo ay u xoogsi tageen.



Hadaba gurigani oo ka samaysanaa cooshado yar yar ayaa sida la sheegay hoy u ahaa dad tiro haan dhamaa 4qof kuwaasi oo dhaxanta iyo cidla ka dugsanjiray balse manta ay gabi ahaantiisba waayeen markii uu dabkaasi ka una baahan xiligani kaalmo degdega oo lala soo gaadho waxaana waqtiayar ka dibna u soo gurmaday ardayda wax ka barata Dugsiga sare ee Shiikh Bashiir Secondry School oo aan isagu sidaasi uga sii fogayn goobta uu ka dhashay dabkani gubay guriga.
Waxaanay aakhirkiina ku guulaysteen inay bakhtiyaan waxaana ilaa hada aan la agaranaynin waxa sabay dabkani gubay xaafadaasi iayada oo la malaynayo in dabka ay kala qaatan xafadaaha oo aad isugu dhoowe uu sababay.
Inta badan dabka kaca xaafadaha magalaada Burco ayaa gaysta khasarayaal naf iyo maalma leh iayada oo anay haba yaraatee aanu xiligani jirin magaalada wax dabdamis ah oo ay leedahay taas oo gaadhigii dabdamiska aha ee nagaaladu lahayd uu wasiirka duu;lista iyo hawadu uu u wareejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera bedelkiisana aan ilaa hatan magaalada Burco helin.
Ugu danbayntiina Qaar ka tirsan dadkii .goobtaasi ku suganaa ayaa iyaga oo ka hadlaya dhibaatada uu gaysto dabku iyo dabdamis la’aanta haysata maagalada Burco xukuumada Axmed Siilaanyo u daray Baaq ah inay hoos u eegto dhibaatada dabku ku hayo magaalada Burco iyaga oo si gaara u codsaday in hadii aanay xukuumadu dabdamisyo cusub u keenin magaalada ay koodii hore u soo celiyaan waxaanay aritani ku soo beegmaysaa iayada oo xukuumada Somaliland Maanta soo bandhigtay waxqanadkeedii ay ku baaqday 100maalmood.

0 comments:

Post a Comment