Saturday, November 20, 2010

XAFLADA XIDHITAANKA SEMESTERKA EE URURKA ARDAYDA SOMALILAND EE JAAMACADA UNIVERSITY TUN HUSSEIN ONN MALAYSIA (UTHM). + SAWIRO

MALAYSIA(burctoday )- Ururka Ardayda Somaliland ee dhigata jamacada UNIVERSITY TUN HUSSEIN ONN MALAYSIA.(UTHM ) oo magaciisa la yidhaahdo ‘SOMALILAND STUDENTS ASSOCIATION  in UTHM’ (SSA UTHM) ayaa waxaa uu soo qaban qaabiyey kulan aad iyo aad u heer sareeya. Kulankan oo dhacay habeenkii sabtida  ee bishu ku beegnayd 13/11/10, waxa lagu qabtay library hall ka  jamacada UTHM.

Xaflada ayaa lagu soo bandhigay waxqabdayada kala duwan ee u
hirgalay sannadka iyo hadafka iyo taariikh dheer oo ururku leeyahay.

waxaa kale oo Baraamijka lagu  soo bandhigay gabayo,hido iyo dhaqan, waxaa lasoo bandhigay ciyaar saylici aad loola dhacay oo aad looga soo shaqeeyay.






Muuqaalka dadkii qaar kamid ah ardaydii xaflada qabatay iyo ardayda jaamacada UTM oo kasoo qayb galay.
, xafladan waxaa kasoo qaybgalay martisharaf  ah guddida Ardayda Somaliland ee Waxkabarata University technology Malaysia  (UTM).

Waxa Ugu horayntiba halka mahad naq u jeediyey dadkii ka soo qaybgalay barnaamijkan Gudoomiyaha  ardayda Somaliland ee SSA , Mohamoud Ahmed ali.Kadibna waxaa taariikhdii ururka iyo himilooyinka ururka kahadlay xoghaya guud ee ururka (adan xasan sheikh mohamoud).

waxa isna hadal kooban halkaas ka yidhi gudomiye kuxigeena  abdishakuur mahamed jamac  . waxa kale oo isna halkaas ku soo bandhigaye websiteka ururka SSA iyo sida loo update gareeyo xoghaya ururka adan xasan sheikh mohamoud waxa kaloo halkaas ka hadlayay  abdirahman mahamoud shire  oo isna ka hadlay ahmiyada ay aqoontu leedahay   waxa kale oo isna halkaas tix gabay ah ka jeediyay  abwaanka jaamacada UTHM Eng:maxamed abees.



Intaa kadib waxaa ardayda Somaliland soo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee wadankoodii hooyo.gaar ahaan ciyaarta sayliciga loo yaqaano Iyagoo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka.



gudomiyaha oo gudoonsiinaya  kabtanka  kooxda ku guulaystay  koobkii ardayda Somaliland ee jaamacada UTHM ee udanbeeyay.


waxa kale oo iyana jaa,isado la gudoonsiiyaya  inankii ugu gooldhalinta badnaa iyo inankii ciyaarwanaga qaaday (player of the league).
Waxa kaloo halkaas shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay laba kamid ah gudida ururka ahna kuwii cadcaddaa semisterkii udanbeeyay.


Muuqaalka ardayda jamacada UTHM



0 comments:

Post a Comment