Sunday, November 14, 2010

Dawladda Hoose Burco oo ku Dhawaaqday Bilaabidda Jidkii 2aad oo ay ka Hirgalinayso Magaaladaas

Burco-(burcotoday)- Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Burco, ayaa ku dhawaaqay shalay inay bilaabayaan dhismaha jidkii labaad ee laami ah oo ay ka hirgelinayaan magaaladaas.
Jidkan cusub oo dhererkiisu noqonayo 1km, kuna baxayso lacag gaadhaysa ilaa $70 kun dollar, waxa lagaga dhawaaqay shir-jaraa’id oo ay wadajir shalay u qabteen masuuliyiinta dawladda hoose ee Burco.
Guddoomiyaha Golaha Degaanka Burco Md. Maxamud Axmed Xasan (Dhegolaab) oo ka hadlayey dhismaha jidka cusub waxa uu yidhi; “Waddadani waxay la dherer tahay waddadii hore, waana la kharash, waxaanay ka bilaabmaysaa xarunta Dawladda Hoose, waxaaney ku dhammaanaysa Hotel Beder. Iminka waxa la furfuraya sandaqadihii ka ag dhawaa iyo barandayaashii, waxa keliya ee waddadu u xanniban tahayna waxa weeye qolyaha shirkadaha isgaadhsiinta oo aannu waraaqo u qornay, beebabka biyaha iyo xadhkaha laydhka, dhammaantoodna waxaannu u qornay waraaqo aannu leenahay kala baxa, waxana hadda nagu hadhay oo keliya Shirkadda Telcom. Sarfaydii waanu dhammaynay, inta keliya ee hadhayna waxa weeye in aannu jarno dhulka inta u sarraysa oo gagaftu gasho, kadibna jidka la bilaabo.”
Md. Dhegalaab waxa uu intaa tibaaxay in kharashka ku baxaya dhismaha jidkan cusub la mid yahay kii ku baxay waddo dawladda hoose dhowaan ka hirgelisay magaalada Burco.
Sidoo kale, Maayir-ku-xigeenka Burco Md. Axmed Cabdi Falay oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay u yeedhayaan ganacsatada raashinka, isla markaana kala hadli doonaan inay hoos u dhigaan qiimaha sicirka maceeshadaha la quuto oo beryahan dambe cirka isku shareeray iyo hoos-u-dhac weyn oo ku yimi sarrifka qiimaha doollarka Maraykanka.
“Waa dhab maceeshadu aad iyo aad ayey u kacstan tahay, dollarkuna hoos ayuu u dhacay iyadoo wakhti fiican lagu jiro, isla markaana xooluhu furan yihiin, haddana dadkii danyarta ahaa dhib baa ka haysta dhinaca maceeshadda. Waxa iminka noo qorshaysan in aannu u yeedhno dadka ganacstada ah oo aan nidhaa, maadaama dollarkii dhacsan yahay, raashinkuna aannu jabin; waar bar sicirka maceeshada hoos u dhiga, maadaama aan la ogayn qiimaha ganacstadu wax soo siistaan. Haseyeeshee, waxaad mooddaa in halkaas dadku aad uga dhibban yihiin, waxana noo qorshaysan in dadka ganacstadda ah, kuwa dabaqadda hoose, kuwa dabaqadda dhexe iyo kuwa sareba aannu wadahadalno oo isla eegno qiime macquul ah oo wax lagu iibin karo sidii sannadkii 2009-kii, ayuu yidhi Maayar-ku-xigeenku.
Dawladda Hoose ee magaalada Burco ayaa badhtamahii sannadkan dhammaystirtay dhismaha jid laami ah oo ay ka hirgeliyeen gudaha magaaladaas, kaas oo noqday kii ugu horreeyey noociisa ee muddo 30 sannadood ah laga hirgeliyo Burco.

0 comments:

Post a Comment