Monday, November 15, 2010

kooxda Chalsea oo la kulantay guuldaradii ugu qadhaadhayd soona xasuusisay ciyaartii 1999 lagaga badiyay gurigeeda

Hargeysa (burcotoday)- waxaa ciyaartii shalay ka dhacday gagida ciyaaraha ee garoonka Stamfordbridge oo ah hoyga chalsea shalay sixun ugu garaacday kooxda yar ee sunderland oo ka mid ah kooxaha ugu tamarta yar horyaalka Primer league ciyaartan oo si wayn indhaha loogu hayay ayaa dadka ciyaaraha ka faalooda waxay filayeen in kooxda chalsea ay qaybta hore ka faraxalandoonto maadama ay yihiin laba kooxood oo aad ukala awood badan waxaana naadiga chalsea oo kamida naadiyada ugu awood badan horyaalada yurub ahna koox aad looga baqo oo aad u dhisan shalay hilfaha ulaabtay kooxda sunderland oo ah naadi aad uga hooseya marka loo eego awooda chalsea oo waliba ku ciyaaraysay gurigeeda waxaanay ciyaartu ku bilaabantay sidegan waxayse ciyaartu is bedashay markii ay socoday 25daqiiqo markii ay sunderland ay dhalisay goolkeedi koowaad waxaanay la soo baxday ciyaar aad u heersaraysa waxaana markeliya ay ka naxisay taageerayaasha kooxda shalsea oo soo buuxdhaafiyay taarabuunka garoonka waxaanay kunoqotay amagaag sidaase kagama hadhin Sunderland waxay sii waday ciyaarateedii waxaanay sii labalaabtay dadaalkeedii waxaana marqudha la waayay chalsea oo aad moodayso inay ka maqantay garoonka waxaanay dhalisay goolkeedii labaad intaanay dhamaan ciyaartu qaybtii hore waxaanal lagu kala nastay laba gool iyo waxba ay ku hogaaminayso Sunderland markiise laysugu soo laabtay ayaa kooxda sunderlaand goolkeedii sadexaad dhalisay kaasoo uu kusoo khatimay ciyaaryahanka udhashay wadanka gaana ee gyan.

hadaba tan iyo markii uu bilaabmay xili ciyaareedkani marqudha lagaga ma badin chalsea hoygeeda waxaanay ciyaarti ku soo dhamaatay 3_0 ay guushu ku raacday Sunderland waa markii u haraysay ee ay kabadiso sunderland balse markaad dhinaca kale ka eegto kooxdan shalsea oo hogaamanaysa horyaalka Primier league waxaa ugu dambaysay 1999kii markaas oo ay kooxda news castal ugu dambaysa oo kaga badisay 3_0 waxaanay hadada chalsea ay ku hogaaminaysa 29 dhibcood halka kaalinta labaadna ay soo fadhiisatay Kooxda Arsenal oo leh 26 dhibcood kaalinta sadexaadna waxaa fadhida Manchester United.

0 comments:

Post a Comment