Sunday, November 14, 2010

Maxaad ka taqanaa Bariga Somaliland iyo quruxda Ilahay ku maneysatay (DAAWO)

SANAAG(burcotoday)- Somaliland waa dal baaxad weyn oo xuduudo la leh dalal badan oo Afrika ah, waa dal qani ah oo ku wanaagsan xagwalba,sida Beeraha,iyo macdanta,sidasoo kale Somaliland waxa lama huraan ah in ay leedahay ilo dhaqaale oo ay ugu horeyso xoolaha nool oo dakhliga ugu badan ay ka soo gasho dalalka xoolaha loo dhoofiyo.

hadaynu soo qaadano markii dawladii kaligii taliyahii Maxamed Siyaad Bare jirtay meesha Somalia lacagta ugu badani ay kasoo xaroon jirtey waxa ay ahayd Gobolka Togdheer(Burco)oo qani ku ah xoolaha Nool, oo dhaqaalo badani kasoo gali jirey Xoolahii noolaa ee dalalka Carabta loo iib geyn jirey.
Sidasoo kale xaga sool iyo Sanaag ayaa xaga kale aad u qurux badan oo aad arkayso buuro,bari iyo bad oo aad garankarto meelaha ugu caansan Somaliland ay ka mid tahay buuraha quruxda badan ee DAALLO oo sida sawiradan aad ka dheehan karto kuu muujinaysa quruxda ay Somaliland leedahay dhinac walba iyo sida loo dayacaayo ee looga soo cararaayo.Hadii aad aragto Casimada Somaliland waxa ay la ciir ciiraysaa dad badan oo aad arkayso qaar badan oo xagaa iyo bari ka yimid soona degay Casimada iyaga oo ay u samixi weyday duruufaha ka jira iyo nolo malmeedkooda oo ku xidhnaaday casimada ama ay  doonayaan inay ganacsigooda iyo hawlahooda ka fushadaan iyo qaar waxbarasho usoo doontay ka tayo wacan meesha ay joogaan.
Dadka reer Somaliland waxa muhiima inay fiiro gaara u yeeshaan in ay jiraan dad ama quruumo aynu dal isku hayno loona bahan yahay in aan la banayn ee bariga Somaliland la xoojiyo,dawlada Somalilandna ay dadka reer Somaliland ee bariga degan ay baahidooda wax ka qabato si dadku aanay usoo guurin.
Waxa  aad daawataan bal sawiradan oo aad arki karto dalkeena sida Ilahay quruxda ugu manaystay iyo ka cago jiidka inaynu aamino ama ku nagaano meeshaa quruxda badan.
Hamse Ahmed Salaan
London
hamse100@yahoo.com

1 comments:

Sahal News said...

Somaliland long life and recognistion

Post a Comment