Wednesday, November 10, 2010

Maanso Qaadka: Abwaan Qalinle

Maansadan qaadka ku saabsan ee ka hadlaysa Dhibatada uu qaadka ku leeyahay bahweynta somaliyeed ee ku nool dunida oo dhan & sida uu dhaqalaheena u burburiyey geed cagaar aan wax faaido lahayn taas ayuu abwaankan da’da yar ee Abdiqaadir Abdirahman Maxamed(Qalinle) uu inoo sifeynayaa waxaa ereyadiisii ka mid ahaa


·         qaabadan aduunyada
·         qarnigeynu joogniyo
·         qaaradaynu ku nolnahay
·         qaad baa na haystee
·         bal maxaynu ka qabanaa
·         umadan qof walba
·         inyaroo qaliiloo

·         qushuuc haysa mooyee
·         qarni jooga odeygii
·         qaangaadhka wiilkuba
·         way qayilayaane
·         bal maxaynu ka qabanaa

·         qoyskiina odeygii

·         marka uu ka qayilee

·         inankii u soo qaad

·         islaantii qaxwaha kari

·         inantii qabowgiyo

·         biyihii u soo qabo

·         qasaaraha intaa leeg

·         qayb miyaanay ka ahayn?

·         saaxiib bal qiimee

·         oo qoroo ka yar fakar

·         dabadeed qoraaliyo

·         maanso iigu soo qaad

·         qalbigeygu wuxuu helay

·         su’aalo aan qafiifiyo

·         qunyar laga jawaabayn

·         ee aan qorsheynee

·         daaha ma ka qaadaa

·         qisada hore waxay tahay

·         horta qaadku waa maxay

·         muxuuse u qabtaa

·         kuwan qaadanayaa?

·         qisada kale waxay tahay

·         marka aad qaniintee

·         qac ilkaha ku siiso

·         miyaanad qadhaadhkiyo

·         qaaqdiisa garanayn

·         dareen uu ku qabanayn

·         bal maad dacarta qaadatid

·         iyadaan qarashiyo

·         qiimaba lahayune

·         qisada kale waxay tahay
·         sidee baynu u qabanaa
·         inta aanu quudiyo
·         quutal daruuri inoo noqon?
·         Qorshahaygu wuxuu yahay
·         Lama qaban karaayoo
·         Qaadkuba sidiisaba
·         Dadbuu quudiyaayoo
·         Qadadood ka hela ’ee
·         Xageebaynu qabadsiin?
·         Alaylehe qiyaastii
·         Waxaa loogu qaatey
·         Iyadoo nin qaraniyo
·         Madaxweyne qaaliya
·         Dalka uu qabsado oo
·         Kuwa qaadka gadaya
·         Shaqo ay qabtaaniyo
·         Qarash badan la siiyoo
·         Halkaa ay quraankiyo
·         Qaadirkaba ku mahadshaan
·         Kii quudanaayeyna
·         Marka uu qaadkii waayo
·         Cidna quudhsan maayee
·         Wuu iska qancaaya



Tiriyaha maansadan
Abdiqaadir qalinle
Burco-Somaliland
abdiqaadir252@hotmail.com
telphone:0025224036110
for more information please visit this website
http://users5.nofeehost.com/aamiinhc/www.ccm.9f.com

0 comments:

Post a Comment