Sunday, November 21, 2010

Shacabka Ingiriiska oo Sheegay In Aanay Qaadi Doonin Mas,uuliyada Kharashka Arooska Boqorka Prince William

LONDON(burcotoday)- Shacabka Ingiriiska ayaa diiday ama sheegay  in aanay bixin doonin kharashka ku baxaya Arooska Boqorka Price William oo ah ninka labaad ee leh dhaxalka Boqortooyada dalka Ingiriiska, Jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dadka Ingiriska ah 80% su,aallo arintaa laga weydiiyey inay sheegeen in aanay bixin doonin lacagta Arooskaa lagu bixinayo,

Jariirada Daily Mail ayaa sheegtay in kastoo dadka Ingiriska ah ay Raalli ka yihiin Boqortooyada dalkaa hadana aanay ogoleyn inay qaadaan mas,uuliyada kharashka ku baxaya Arooskaa oo aad u badan, Kharashka Arooska ee boqorka ayaa laga bixinayaa Canshuuraha ay bixiyaan dadka shacabka,

Prince William  oo ah ninka labaad ee iska leh dhaxalka Boqortooyada dalka Ingiriiska iyo gabadha uu guursanayo ee Kate aya jimcihii ku heshiiyey ama sheegay xilliga ay aqal galayaan, Boqorka iyo Lamaantiisa ayaa sugaya ogollaanshaha Reerkooda iyo xukuumada Ingiriiska iyo Booliska ingiriiska, Jariirada ayaa sheegtay in Price William laga yaabo inuu ka dalbado kharashka Arooskiisa Aabihii Prince Charles si uu uga fogaado hadallo iyo diidmo uga yimaada shacabka dalka Ingiriiska ah,

Codbixin laga qaaday dadka ingiriiska ah ayaa lagu sheegay in sadex meelood laba meellood ay Rumaysan yihiin in Boqorka Prince William uu noqon doono mustaqbalka Boqor wanaagsan ama najaxa, Iyadoo qeybo bada n oo ka mida haweenka dalka Ingiriisku ay sheegeen inuu Raad ku sameeyey ama aanay jecleysan markii ay arkeen Prince William oo u xidhaya Fargalkii Meherka ee hooyadii Princess Diana gabadha uu iminka guursanayo ee Kate,

Jariirada ayaa sheegtay in Dadka Ingiriiska 18% ay Rumaysan yihiin in dalka Ingiriisku uu ku fiican yahay Boqortooyo la,aan ama in la baabi,iyo boqrtooyada halka 28% ay hadalkaa ama fikradaa soo jeediyeen markii Boqorka Prince Charles uu guursaday Camilla Parker,

0 comments:

Post a Comment