Saturday, November 6, 2010

Reer Sucuuudiyiin Ah oo Ku Kireystay Guryaha Goglan Ee New York $ 210 Kun Bishii Kalliya Taasoo Noqotay Qiimihii Ugu Badnaa Taariikhda Mareykanka Ee Guryahaa Lagu Kireysto

NEWYORK(burcotoday)- Reer u dhashay dalka Sucuudiga ayaa ku kireystay guryaha goglan ee magaalada New York kiradii ugu badnayd ee Taariikhda dalka Mareykanka lagu kiraysto Guryaha Goglan ama Alaabtu dhex taalo ee soo marta dalkaa, Reerkan ayaa ku kiraystay guryahaa 210 Kun oo doller Bishii kaliya,

Reerkan oo ka kooban 29 qof ayaa kireystay guryo ku yaala dabaqa 37 ilaa dabaqa 41 aad ee hoteelka ( Hotel “Waldorf Astoria” luxury) iyadoo lacagtaa ay ku b ixiyeen guryahaa oo ah kuwa casriga ah isla markaana goglan oo alaabtii dhex taalo, Nin kamida shirkadaha Guryaha kireeya oo Mareykan ah ayaa sheegay inuu qiimahaasi yahay qiimihii ugu badnaa ee Taariikhda soo mara dalka Mareykanka ee lagu kiraysto guryo,
Guryaha ay Reerkaasi kireysteen ayaa kamida dhismayaasha shirkada Hilton International,  kuwaas oo la dhisay sanadkii 1931 kuwaas oo ah kuwa ugu Casrisan magaalada New York isla markaana ay deggaan dadka Madaxda ah iyo maaalqabeenada ee caanka ah oo kaliya,
 

0 comments:

Post a Comment