Sunday, November 14, 2010

Mucjiso Rabaani Ah: Nin Soomaali Ah oo Xajka Ku Sugan Iminka oo Indhaha & Dhegahaba La,aa Mudo 20 Sano Ah oo Illaahay u Soo Celliyey Markuu Biyihii SamSamka Cabay Ee uu Dawaafay

RIYAAD(burcotoday)- Xukuumada Sucuudiga ayaa sheegtay in nin Xaaji ah oo Soomaali ah ay u soo Noqdeen Indhihiisii Iyo Maqalkiisii kadib markii uu Cabay Biyaha Samsamka isla markaana uu dawaafay Kacbada barakeysan, Xukuumada Sucuudiga ayaa sheegtay in ninkaasi uu indho iyo dheggo la,aa mudo 20 Sanadood ah isagoo ninkaasi sitay warqadii aqoonsiga ee cadeynaysay inuu indhaha iyo dhegehaba la,yahay,

Jariirada WADAN ee dalka Sucuudiga ayaa kasoo warisay ninkaa soomaaliyeed oo ka shaqeyn jiray dalka Soomaaliya in Madfac ku dhacay mudo 20 Sanadood ka hor ah iyadoo halkaa uu ku waayey Aragii iyo Maqalkii, Ninkaa ayaa sheegay in Ehelkiisu ay u kaxeeyeen dalka Ingiriiska isagoo halkaa kulla kulmay Dhakhaatiir badan oo khubaro ah ama ku takhasusay arimahan  laakiin ay waxba ka tari waayeen,

Ninkan ayaa Reerkiisa kulla noollaa mudadaa dalka Ingiriiska isagoo halkaa ku dhalay afar caruur ah,  Jariirada ayaa  sheegtay in Xukuumda Ingiriisku ay ninkaa siisay kadh cadeynaya inuu indhaha iyo dhegahaba la,yahay,,

Ninkan oo aanay Jariiradu Magiciisa sheegin ayaa sheegay in markii uu soo dhameystay Dawaafka Kacbada isla markaana  uu isu diyaarinayey inuu u kaco dhinaca Minna uu maqlay dhawaaqa iyo sawaxanka ka baxaya Xaramka iyo hadalkii dadka, Ninkaa ayaa intaa ku daray inuu ugu hor maqlay Eedaankii Salaada Subax oo markaa baxayey isagoo ninkasi si dhakhso ah ugu sheegay dadkii la socday ee waday iyadoo dadkaa ay ku noqotay Cajiib, laakiin illaaha weyn ee wax walba awooda ayaa u soo celiyey aragii iyo maqalkii,

 

0 comments:

Post a Comment