Tuesday, November 23, 2010

Midowga Europe oo Dabada Ka Riixaaya Madaxbanaanida Koonfurta Sudan.‏

Brussels,(burcotday) – Wasiiradda Arrimaha Debadda ee dalalka Midowga Yurub ayaa maanta oo Isniin ah ku kulansan magaalada Brussels, dalka Belgium si ay uga doodaan siyaasadda uu Midowga Yurub kula dhaqmi doono dalka Sudan, wixii ka danbeeya aftida laga qaadayo Koonfurta dalkaas.


Kulankan oo ay guddoominayso Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Debadda iyo Siyaasadda Amniga, Catherine Ashton, waxaa goobjoog ka ah 27 wasiir waxaana lagu falanqeynayaa xaaladda dalka Sudan.
Koonfurta dalka Sudan ayaa waxaa laga qaadayaa afti bisha January ee sanadka soo socda, 2011. Aftidan ayaa la filayaa inuu shacabka Koonfurta kaga go’o dalka Sudan intiisa kale.
Shacabka Koonfurta ayaa halgan qadhaadh oo 40 sano qaatay u soo galay sidii ay dalka Sudan intiisa kale uga go’i lahaayeen, halgankan ayaa sanadki 2005 lagu soo afjaray hashiis dhalay in afti laga qaado shacabka Koonfurta.
Reer Koonfurreedka ayaa dowladihii isaga danbeeyey xukunka dalka Sudan ku eedaynaaya xasuuqyo dhowr ah, kuwaas oo ay sheegaan inay ka kala dhaceen magaalooyinka Jebelien sanadkii 1990, Wau sanadkii 1987, Dhaein sanadkii 1988, Juba, Trit, Warajwok, Bor, Akobo sanadkii 1965, iyo kuwo kale.
Shacabka Koonfur Sudan ayaa ku adkaysanaya inuu sinaba uga sii mid ahaan doonin dalka Sudan intiisa kale. Dowladihii isaga danbeeyey maamulka dalka Sudan ayaa dhamaantood waxaa hogaaminayey reer Waqooyiga, kuwaas oo aanay dhaqan, luuqad iyo diinba la wadaagin reer Koonfurreedka.
Dalalka Midowga Yurub ayaa si weyn u taageersan aftida laga qaadayo reer Koonfurreedka, waxay dhawaan Koonfurta u direen 16 kooxood oo horjoogayaal ka noqda diiwaangalinta dadka codkooda ka dhiiban doona aftida soo socota.
Gabagabada kulankan, waxa laga filayaa wasiirada in ay xukumadda Sudan ugu baaqaan in Maxkamadda Aduunka kala shaqayso sidii lagu soo xidhi lahaa madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xassan al-Bashir kaas oo ku eedeysan danbiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

0 comments:

Post a Comment