Sunday, November 14, 2010

Xafladii Xalay Ee Shacabka Reer Somaliland Iyo Jaamacada Cambrige oo Arday Reer Somaliland Ah Waxbarasho u Fidisay.

LONDON(burcotoday)-Xaflad balaadhan oo ay soo abaabuleen ururka jaaliyadeedka Somaliland ee Galbeedka magalada Londone ee xaafada hayes, waxa loo soo agaasimay si qurux badan,xafaladaas waxa si hagar la,aan ah uga soo shaqeeyay hawlwadeena ururkaa west Somaliland oo dhamaantood goob joog ku ahaa halkaas.


Xafladaas oo ujeedadeedu ahayd dhiiri galinta horumarka dadka reer Somaliland ee ku dhaqan ama degan London,gaar ahaan jiilka dhalinyarada ah ee waxbarashada dugsiyada sare waxka barta, iyadoo Madasha lagu bixinayey  shahaadooyin lagu xusaayey  SOMALILAND COMUINITY AWARD,halkaaasna wax shahaadooyin lagu gudoon siiyey dhalinta darjooyinka sare ku gudubtay imtaxaanka GSCE & A-LEVELS,waliba dadka qaatay degree jaamacadeed  iyo dad kale oo badan oo horumarka reer Somaliland ka shaqeeyay.
 
Xafladan waxa kale oo ka soo qayb galay ama marti sharaf ahaa dad magac wayn ku leh ama ruug cadaa ah oo ay ka mid ahaayeen fanaaniinta oo dhawaan inooga yimi wadankii hooyo Somaliland oo ay ka mid ahaayeen  Ahmed Saleebaan Bide,Boon Xirsi,Amina C/lahi iyo martisharaf kale oo ka mid ahaa dadka xaga fanka u dhuun daloola.
 
Waxa kale oo ma mid ahaa marti sharafkii madasha joogay madax fara badan oo ah kuwa dawlada Ingiriiska wasiiro ka ah iyo gabadha ku xigeenka  dawlada Hoose ee xaafada Hayes (London) shirka,wax iyana ka mid ahaa rag badan oo xilal muhiima ka haya dalkan Ingiriiska,oo dhamaantood aad usoo dhaweeyey dedaalka iyo horumarka ay sameynayaan shacabka reer Somaliland ee dalkan degan,sidaa si leegna anaguna aanu wixii awoodayada ah aanu ka caawin doono.Xaga kale wax ay sheegeen in Somaliland wakhtigan tahay wakhtigii la ictiraafi lahaa.
 
Waxa kale oo wax yalihii madasha lagu xusay ka mid ahaa xaga waxbarashada oo inan dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah ay jamacada Camuud ahaa ardaygii ugu sareeyey ayaa loo fidiyey deeq waxbarasho oo ay u fidiyeen Jaamacada Cambridge Univesity.
 
Dadkii madasha ka hadlay oo aad u fara badnaa oo dhamaantood soo jeediyey mahadnaq dadkii xafladan quruxda badan iyo dhamaan horumarka ay shacabka iyo dhalinyarada Somaliland ay dalkan ka sameeyeen. Waxa dadkii xaflada ka hadlay ka mid ahaa.

Dr Maxamed Rashii Sheekh Xasan,Dr Jamac Cali Jamac,Fosiya Maxamed Ismaciil (Somaliland Nursing)Mayer ku xigeenka Mrs Mary O’Conner,Dr Charles Tonnock MEp,JohnMcdonnell MP, MaxamED Muse Cali,Ahmed Dahir Cilmi,Safiirka Somaliland uk Adan Muuse Jibriil.Yasmiin Carmiye.
 Waxa ay u dhacdey si qurux badan oo dhamaan dhalinyaradii iyo dadkii kasoo qaybgalay ay aad ugu faraxsanayeen sida ay wax u dhaceen iyo horumarka ay ku talaabsadeen dhalinyaradii shahaadooyinka la siiyey iyo walidiintii dhashayba. Waxa kale oo arimaha siyaasada aad looga hadlay oo Somaliland horumarkeeda iyo ictiraafkeedaba ka hadlay Dr Maxamed Rashiid iyo Dr Jamac Muuse Jamac oo ka shaakeeyey qiso ku dhacdey oo dadkii qiiro galisay.
 







0 comments:

Post a Comment