Sunday, November 14, 2010

Laba Malyuun & Badh Muslimiin Ah oo Xajka Ku Sugan Ayaa Maanta Si Rasmi Ah u Billaabay Waajibaadkii Xajka Iyagoo u Dareeray Waadiga Minna

MAKA AL-MUKARAMA(burcotoday)- Laba malyuun iyo badh muslimiin ah oo  ku sugan Magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarama ayaa maanta si rasmi ah u billabay wajibaadkii xajka iyagoo maanta u dareeray Buurta Minna ama Muna, Xujaajtaa Illaahay martida u ah ayaa isu diaarinaya inay maalinta barri ee Isniinta ah istaagaan Buurta Carafo oo ah Rugniga ugu weyn Arkaanta Xajka,

Xukuumada dalka Sucuudiga oo sanad walba da,daal u gasha sidii ay dadka muslimiinta ah u gudan lahaayeen waajibkooda xajka oo iyadu sanad walba ku kordhisa dhismaha Xajka Wadooyin iyo guryo sidii ay ugu fududaan lahayd dadka Muslimiinta ah inay xajka u gutaan si fudud ayaa sheegtay in sanadkan ay yimaadeen Xajka dad muslimiin ah oo gaadhaya Laba M alyuun iyo badh,

Xukuumada Sucuudiga ayaa sheegtay in dadkaa xajka imanaya 1,7 malyuun oo kamida ay u qoondeysay inay ka yimaadaan wadamada muslimka ee aan ahayn kuwa khaliijka halka laba boqol oo kun loo qoondeeyey inay kasoo xajaab dalka Sucuudiga gudihiisa ama sucuudiyiinta, Tirada inta soo hadhay ayay dowlada Sucuudigu u qoondaysay inay kasoo xjan dalalka Khaliijka,

Xukuumada Sucuudiga ayaa sheegtay inay jiraan dad iyagu Raba inay kusoo xajaan nidaam aan sharci ahayn oo Tahriib ah iyagoo sameeyey Ciidamo Boolis ah oo aad u badan oo illaaliya dadka soo galaya magaalada Makka, Xukuumada Sucuudiga ayaa inta ku dartay inay ganaaxi doonaan gaadhiga soo qaada dad xujaaj ah oo si aan sharci ahayn ku xajaya lacag dhan Toban kun oo Riyal oo u dhiganta 2667 US Doller,

Dadka muslimiinta ah ee Xajka ku sugan Sanadkan ayaa Caawa u Hoyan doona Waadiga Minna iyagoo bari subax ama ca awa saqda dhexe u dareeri doona Buurta Carafo, Maalinta Talaadada ayay dadka muslimiinta ah ee xajka Joogaa halkaa ku dhameysan doonaan Rukunadii ugu waaweynaa ee xajka iyadoo malintaasi noqon doonta maalinta caalamka islaamka laga Iidayo


0 comments:

Post a Comment