Monday, November 29, 2010

Hablaha Sucuudiga oo Maxkamad Hor Keena Waalidkood Kadib Markii Ay u Diideen Inay Hablahaasi Guursadaan Iyagoo Guryahooda Ku Gaadha 40 Jir & Ka Badan

SAUDIA(burcotoday)- Maxkamadaha dalka Sucuudiga ayaa baryihii ugu danbeeyey waxay ku mashquulsanaayeen dacwado ay soo gudbiyeen Hablo Sucuudiyiin ah kuwaas oo ka dacwoonaya ama maxkamada la tegey waalidkood kadib markii ay u diideen inay hablahaasi guursadaan guur xallaal ah,


Dacwadahaa la hor keenay maxkamadaha ayaa waxaa ka mid ah gabadh u dhalatay dalkaa oo dacweyneysa Aabeheed oo u diday inay guursato isagoo doonaya inuu ka qaato lacagta ay shaqeysato, Gabadhaa ayaa warku sheegey inay shaqeysato isla markaana ay mushahar badan qaadato iyadoo sababta ugu weyn ee Aabaheed ugu diiday inay guursato ay tahay mushaharkeeda, Gabadhaa oo ay soo dooneen Rag badan ayaa gurigooda ku gaadhay 42 jir,
Warkan ayaa sheegay in maxkamadaha Afar magaallo oo ka mida dalka Sucuudiga inay soo mareen 213 dacwadood oo ay soo gudbiyeen hablo ka cabanaya Aabayaashood oo u diiday inay Guursadaan, Hablahaa ayaa qarkood guryahooda ku gaadheen 30 illaa 40 jir inta u dhaxaysa iyadoo ay jiraan qaar badan oo afartanka sare u dhaafay isla markaana ay Aabayaashood sabab u ahaayeen Guur La,aantaa, Maxkamadaha ayaa sheegay in waalidkaa hablahooda u diidaya inay guursadaan intooda badan aanay jirin sabab cad oo ay hablahaa ugu diideen guurka,
Maxkamadaha ayaa sheegay inay Waalidkaa ku qanciyaan inay maxkamada soo hor istagaan iyadoo hadii uu diido Aabuhu qaadiga ayaa la wareegga hawsha gabadhaa isagoo u guuriya ninka markaa soo doontay ee laga hor istaagay, Maxkamada ayaa waxaa la sheegay inay isugu yimaadaan shan Qaadi isla markaana ay ninkaa weydiiyaan diinta sida uu ku yahay iyo akhlaaqdiisa intaa kadibna ay u guuriyaan gabadhaa iyadoo Aabaheed joogo,
Gabdhahaa ayaa iyagoon jecleyn inay Waalidkood dacweeyaan oo maxkamad hor geeyaan ayaa hadana waxaa ku kalifay Aabayaashood oo aan hablahaa u arxamin guurkana u diida qaar shaqeeya iyo qaar aan shaqeyn-ba,

0 comments:

Post a Comment