Wednesday, November 3, 2010

Ardayda Reer Somaliland Ee Wax-ka-baratay Jaamacada UTM Ee Dalka Malaysia Oo Dhigtay Xaflad Ballaadhan

Johor Bharu, Malaysia (burcotoday)-  Ururka Ardayda Somaliland ee dhigata jamacada  University Teknologi Malaysia (UTM) oo magaciisa la yidhaahdo ‘Association of Somaliland Allied Students in UTM’ (ASAS-UTM) ayaa waxaa uu soo qaban qaabiyey kulan aad iyo aad u heer sareeya. Kulankan oo dhacay habeenkii axada ee bishu ku beegnayd 31/10/10, waxa lagu qabtay hoolka weyn ee CENTRE OF TEACHING AND LEARNING ee jamacadu leedahay. 

Xaflada  ayaa lagu soo bandhigay waxqabdayada kala duwan ee  u hirgalay ardayda Somaliland muddadii uu simistarku socday .  waxaa kale oo Baraamijka lagu soo bandhigay dhaqanka iyo taarkhida somaliland.
Xafladan ayaa waxaa  ka soo qayb galay in ka mida madaxda Jamacada oo ay ka mid ahaayeen:
  1. Ismaal Bin Samat, oo ah Senior deputy Registrar of Student Affairs and Alumni,
  2. Miss Siti Rahimah binti Mohmed Yusop, oo  ah Assistant Registrar (Student Activities & Study Abroad) ee xafiiska International Student center ee UTM
  3. Miss Munira oo ah Assistant Registrar (International Student Affairs & Visa) ee xafiiska International Student center.
Waxa kale oo xaflada kala soo qayb galay ardayda ASAS-UTM , Abdikadar Abdillahi Nuux,  oo ah Maamulaha shirkada Dahabshiil ee qaybta Malaysia, isagoo uga soo kicitimay magaalada caasimada ah ee Kuala Lumpur, si uu ugala soo qayb xafladan quruxda badan dhamaan xubnaha ASAS-UTM.
Waxa kale oo martisharafta ka mid ahayd xubno ka mida guddida Ardayda Somaliland ee Waxkabarata University of Tun Hussein Onn Malaysai, arday ka kala timid waddamada Yemen, Sudan, Brunie, Somalia, iyo ardayda udhalatay  dalkan Malaysai oo iyagu dhamaantood arday ka ah UTM.   
 Waxa Ugu horayntiba halka mahad naq u jeediyey dadkii ka soo qaybgalay barnaamijkan Gudoomiya  ardayda Somaliland  ee UTM, Mohamoud Abdillahi Ahmed. Kadibna waxaa qudbad kooban oo taarikhda Somaliland soo  Jeediyey liban  Maxamed H.Maxamuud. Intaa kadib waxaa  ardayda Somaliland soo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee wadankoodii hooyo.  Ciyaartaasi waxay aad iyo aad u soo jiidatay  dadkii internationalka ahaa ee ka soo qaybgalay xaflada.
Waxaa iyana hadal aad u qiimo badan jeedisay Miss Siti Rahimah Bint Mohamed , oo ku hadlaysay magaca Xafiiska International Student Center ka. Waxayna aad ugu amaantay  ASAS-UTM sida fiican ee ay u soo agaamisaan banaamijyadooda koobcinaya aqoontooda. Waxayna sheegtay in ay jamacadu soo dhawaynayso aadna ay u  taageri doonan ardayda Somaliland  waxqabadyada Hormarka leh ee ay sameeyaaan .
 Barnaamijka oo ahaa mid aad loo habeeyey  ayaa waxaa isna khudbaad aad loo la dhacay ka jeediyey xaflada xoggahayaha ururka  ardayda Somaliland ee UTM,  Abdirahman Maxamed Abdillahi. Waxana uu sharaxay dhamaan waxayaalahi ururka u hirgalay ,  ujeedooyinka laga lahaa  iyo natiiijoyinka wanaagasana ee ka soo baxay ka dib markay qabsoomen  banaamiyadadaasi. Waxaa kale oo xoogahayuhu  si balaadhan ugu nuux nuux saday casharada iyo faiidooyinka laga bartay programadaas. Xoghayuhu waxa uu sheegay in mudadii semesterkan lagu guda jiray oo ka koobnaa  wax aan afar bilood gaadhin, in ay ururka ASAS-UTM u suurto gashay qabashada lix barnaamij oo kala duwan oo kala ah:
  1. Kulanka soo dhawaynta ardayda S/land ee UTM ku cusub
  2. Somaliland Futsal League
  3. Ramadan Gathering (Wacdi diiniya uu ku jiray)
  4. Academic Workshop (oo mawduucyada lagaga hadlay ay ka mid ahayeen: time management, how to sell yourself iyo waliba Ethics and Integrity habits)
  5. S/land Football Match: UTM vs UTHM (oo ay ardayda labada jaamacadood kubad saaxiibtinimo ah kuwada ciyaareen garoonka kubada cagta ee UTM)
  6. Xaflada Xidhitaanka Activities ka Semester
Waxaa kale oo xoghayahu sheegay  adeegyada ururka  leeyahay ee ka caawiya dhinacyada wax barshada kuwaas uu kamid yahay websiteka ay leeyihiin ardaydu, soo dhawaynta ardayda cusub iyo ku dhiirig alinta ardayda Somaliland inay xoogiyaan sida ay aqoontood u kaabilahayeen xag aqoooned iyo dhinac bulshdaba.
Isla madasha  ayaa waxaa si ramsiya loogu qaybiyey warsidha  ASAS (ASAS BULLETIN) oo ah jaraiidka Simitarlaha ee ay soo saarto ASAS-UTM. Jaraidana yaa waxaa tafatire ka ahaa Fosi  Mohamoud kofal.
Maamulaha  waaxda Dahabshiil Malaysai,  Mudane Abdikhadar Abdillahi Nuuh, ayaa ardayda Somaliland UTM  usoo jeediyey hadal  iskugu jira amaan iy dhiiirigalin. Waxana hadaladiisii ka mid ahaa: “ururka ardayda somaliland UTM waa uruka ugu firficoon dhamaan  ururada ka jira malaysai ee Somaliland. Waxaan idinkula talin lahaa in aydin dadaalkiina sii libin laabtaan”.
 Banaamijkan ayaa dadkii ka soo qayb galay ay aad ugu bogeen sida  ardayda Somaliland Usoo bandhigeen  Waxqabadkooda ku saabsan sida ay u kobciyaan xirfahadahooda aqooneed ee dhinacyada, waxabarashada, maamulka, hormarka bulshada, isdhexgalka, kawadashaqaynta dhinaca aqoonta .
Dhamaadkii xaflada ayaa waxa shahaadooyin jamacadu gudoon siisay  golaha qabanqaabista  waxqbadyada   ASAS ,sida fiican ee u agaasiman barnaamiyada. 
Xafladan ayaa waxaa gacan ka gaystay Shirkada Dahabshiil, iyo Maamulka Jamacada gar ahaan    Qaybta International Student Centerka.  
Barnaamijkan ayaa waxaa Director ka  ahaa Osman H.nour Mohamud , isla markaana ah Afhayeenka  Guddida fulinta ASAS. Osman ayaa aad ugu dadaalay ka miro dhalinta xafladan isagoo si hagar la’aan ah uga shaqeeyey agaasimka xaflada.
Soo diyaariye:
 MOHAMOUD ABDILLAHI AHMED
PRESIDENT OF INTERNATIONAL STUDENT SOCIETY-SOMALILAND
UNIVERITI TEKNOLOGI MALAYSIA
H/ph: +60178269070
E-mail:mohamoud10@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment