Wednesday, November 10, 2010

Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Qabatay Shir Lagaga Arinsanayo Sidii Loo Samayn Lahaa Siyaasad Cad Oo Ku Aadan Dadka Ajaaanibka Ah Ee Ku Soo Qulqulaya Somaliland

Muddaharaad Lagaga Soo Horjeedo Hadalkii Madaxweyne Faroole oo a dhacay Magaalada Dhahar.Hargeysa(burcotoday)- Shir balaadhan oo laga hadlayo sii siyaasad cad  oo lagula dhaqmo loogu samayn lahaa dadka ajaaniba ah ee dalka ka soo badanay ayaa maanta ka dhacay hotel Ambassator ee magaalda Hargeysa .Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa waxa ka qayb qaadanay xubno ka socada Golayaahsa sharcida dajinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada, xuno ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha, iyo Xuno ka socda Laanta Socdakaadka , munaasibad loo qabtay furitaanka shirkaasi ayaa waxa ka oo qayb galay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxmuud Adaan, Gudoomiyha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro), Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dr.Maxmed Cabdi Gaboose, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Prof. Ismaacil Muumin Aar, Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxmuud Jaciir, iyo Saraakiil ka socday hayada UNHCR.

Shirkan ayaa waxa lagu lafa gurayaa sidii  loo samayn  lahaa siyaasad cadna looga yeelan lahaa daka Ajaanibka ah ee aan dalka Somaliland u dhalan ee ku soo Qulqulaya, shirkan ayaa waxa iska kaa shaday qaban qaabadiisa Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland iyo Hayada Qarama Midoobay ku qaabilsan qaxoonitiga ee UNHCR, shirakan ayaa waxa uu socon doonaa mudo sadex maalood ah waxana la filayaa in laga soo saaridoono siyaasad lagula dhaqmo dadka ajaanibk ah ee  ku sugan Somaliland ku was oo kale ah qaxoonimyo, kuwo barakcayaal ah iyo ku nolol ka wanaagsan tiii ay ku noolaayeen u soo doorbiday Somaliland.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr.Maxmed Cabdi  Gaboose oo mar hore la hadlayey Aqalka Odayaasha Soamliland ee Guurtida  ayaa waxa uu sheegay in ay dawlada Somaliland siyaasad cad ka yeelan doonto dadka ajaanibka ka ee ku sugan dalkeeda, waxana uu xusay in samaynats siyaasadas ay tahay hawl u wada taal dhaman waaxaha ka duwanee Qaranka Somaliland.

0 comments:

Post a Comment