Tuesday, November 9, 2010

Dahir Riyaale Kahin,Madaxweynahii hore ee Somaliland oo London jooga.

London (burcotoday)- Waxa aan habeenkii Axada (Sunday) 7/11/2010 aan nasiib u yeeshay inaan  la kulmo Madaxweynahii hore ee Somaliland Dahir Riyaale Kaahin, Hutelka uu degan yahay oo ku yaala badhtamaha magaalada London.

 
Waxa uu igu qaabilay waji farxadi ku dheehan tahay oo ka dibna aanu yara sheekaysanay arimo ku saabsan Somaliland iyo safarkiisan uu ku joogo London. waxa uu  ii sheegay inuu London u yimi hawlo gaara iyo dabcan nasasho ka dib mudo badan oo uu shaqo badan ku jirey.
 Waxa kale oo uu  iiga waramay “inuu  aad ugu faraxsan yahay sidii quruxda badan ee Doorsahadu Somaliland uga dhacdey iyo sida wanagsan ee aan xilka u wareejiyey,waxaanu shacabka   reer Somaliland meelkastoo ay jooganba kula taliyey inay ka shaqeeyaan had iyo jeer midnimo iyo walaaltinimo, lana ilaaliyo nabadgalyada guud”
 Madaxweyanii hore ee Somaliland waxa  ku wehelinaysay safarkiisan uu London ku jooga marwadiisa Huda Barkhad, waxayna safar kanoo kalaa kusoo mareen dalka faransiiska.
Madaxweynahii Hore Dahir Riyaale Kaahin oo noqonayaa madaxweynahii sadexaad ee soo mara Somaliland,waxaana lagu xasuusan donaa doorashadii ka dhacdey Somaliland 26 juun iyo sidii quruxda badnayd ee xukunka uu wareejiyey, tasoo kuyar dalalka Afrika oo had iyo jeer wax is daba mariya.

0 comments:

Post a Comment