Sunday, November 7, 2010

Madax Weyne Obama oo Gaadhay Saaka Magaalada Mumbai Ee Dalka India Safar uu Ku Marayo Dalalka Qaarada Asia

MUMBAI(burcotoday)- Madax weynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo ay weheliso xaaskiisa Micheil Obama ayaa gaadhay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, Booqashadan Madax weynaha ayaa ka mida Safar uu ku marayo Qaar kamida dalalka Qaarada Asia oo uu doonayo inuu ku hagaajiyo xidhiidhka Mareykanku la leeyahay dalalkaa,


Madax weyne Obama oo booqashadiisu ay qaadan doonto sadex cisho ayaa la kulmi doona Reysal wasaaraha dalka Hindiya Monmohan Singh, Wakaalada wararka ee dalka Hindiya Ee Press Trust ayaa kasoo warisay wasiirka arimaha dibada ee dalka Hindiya P. Chidambaram inuu sheegay inay aad u adkeeyeen Amaanka magaaladaa iyo guud ahaan dalka Hindiya inta ay socoto doorashada Madax weyne Obama,
Obama ayaa saaka Sabtidii soo gaadhay Magaalada Mumbai isagoo u sii gudbi doona magaalada New Delhi, Obama ayaa booqashada dalka Hindiya waxaa u weheliya Booqashooyin uu ku marayo dalalka Indonisia & Japan & Kuuriyada Koonfureed, Madaxweyne Obama ayaa Booqashooyinkiisan waxa uu ku Raadinayaa inuu Suuq u hello hubka ay soo saaraan dalka Mareykanku iyo inuu xal u raadiyo dhaqaalaha dalka Mareykanka oo aad u liita,
Xukuumada Mareykanka ayaa Aaminsan in dhaqaalaha dalalka Aasiya oo ay kamid yihiin Shiinaha iyo Hindiya inay aad u korayaan isla markaana dalka Mareykanku uu cabsi weyn ka qabo inay kalla wareegaan Suuqa Caalamka, Obama ayaa isagoo arintaa ka duulaya bilaabay sidii uu suuq ugu Raadin lahaa Allaabooyinka ay soo saaraan Dalka Mareykanku oo ay kamid yihiin Hubku,

0 comments:

Post a Comment