Saturday, November 27, 2010

Hargeysa: Munaasibad Loo Qabtay 30 Arday Oo Reer Somaliland Ah Kuwaas Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Wadanka Sudan

Hargeisa (BCT) – Munaasibad  balaadhan oo loo sameeyay sakootinta  Sodon arday oo ka mid ah Ardeydii ka qalin jabisay Dugsiyada Sare ee Dalka oo Deeq Waxbarasho ka heshay Dalka Sudan, ayaa maalintii shalay lagu qabtay Hutel Summer Time nee magaalda Hargeysa.

 Munaasibada  oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo la iskugu yeedhay Ardeydan Tiradoodu gaadhaysay Sodonka Ardey ee deeqda Waxbarasho ka helay Wadanka Sudan, ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Cali Maxamed Cali, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Axmed Xaaji C/laahi Cumar (Xamarji), Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka, Masuul Ka tirsan Alneelayn, iyo Waalidiinta Ardeyda Deeqda Waxbarasho helay.
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in Ardeyda Deeqda Waxbarasho ka heshay Sudan dardaaran iyo dhiiri galin loo sii siin lahaa isla markaana loogu sheegi lahaa noocyada Kuliyada ay deeqaha Waxbarasho ka heleen iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen bixitaankooda dalka Sudan.
Munaasibadaa waxa ugu horayn ka hadlay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Dalka, isla markaana qayb weyn ka qaatay Deeqdan Waxbarasho ee Ardeyda Somaliland hesho, waxaanu sheegay in Taariikh soo jireen ah oo dhinaca Waxbarashada ah ka dhaxeeyay Somaliland iyo Sudan.
Sheekh Aadan Siiro wuxuu amaan balaadhan u soo jeediyay Dawladda Sudan oo uu tilmaamay in Ardey tiradoodu gaadhayso sodon ardey ay deeq siisay taas oo isugu jirta Kuliyado muhiim ah oo ay ka mid tahay Caafimaadka, Injineerinka, Beeraha, iyo Culuun kale.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo arimahaasi ka hadlayaan waxa uu yidhi “Waxaanu maanta halkan u fadhinaa Ardeydii ugu tirada badnayn ee ay Deeq Waxbarasho siiso Dawladda Sudan, taas oo ah arin in muddo ah laga shaqaynayay oo hawl culusna ku baxday sidii ay u suurto gali lahayd in Deeqdan waxbarasho ay helaan Ardeyda reer Somaliland ee ka qalin jabisay Somaliland”.
Waxa kale oo uu sheekhu xusay in deeqdan ay heshay Ardeydu ay kaalin weyn ka qaateen sidii ay u heli lahaayeen Axmed C/raxmaan Sheekh Bashiir iyo Sheekh Axmed C/salaan, kuwaasi oo uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay siday isugu xil saareen sidii Ardeyda Somaliland ugu raadiyeen deeqdan.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray waxa uu sheegay in Ardeydan lagu soo xulay sida ay u kala sareeyeen Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Cali Maxamed Cali oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn mahad naq balaadhan u jeediyay Dawladda Sudan oo uu tilmaamay inay tahay Dawlad mar kasta garab taagan sidii ay Ardeyda Somaliland ugu deeqi lahayd, isaga oo sidoo kalena amaan u soo jeediyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo uu sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay sidii Ardeydan loogu diri lahaa.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan aad ugu mahad naqayaa Dawladda Sudan ee Deeqda Waxbarasho u fidisay Ardeyda halkan fadhida ee iyagu Nasiibka u helay in ay helaan Deeqdan Waxbarasho ee dalka Sudan ay ka heleen.

Waxaan leeyahay waad nasiib badantihiin Ardeydiina intaa le’eg ee Deeqda Waxbarasho helay waliba Kuliyada aad u fiican oo aynaan hore u heli jirin oo u badan Caafimaadka”.
Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waxaan rajaynayaa in marka aad wax soo barataan dalkiina dib ugu soo noqotaan oo aad uga faa’iideyn doontaan wixii aad soo barateen”.
Dhinaca kale waxa halkaasi ka hadlay Xasan Qalinle oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka iyo Dr Xamse Barre oo ka socday Jaamacada Alniilayn waxaanay labada masuulba ku nuuxnuuxsadeen Xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Sudan, waxaanay ku dhiiri galiyeen Ardeyda u baxaysa Dalka Sudan ee Deeqda Waxbarasho loo fidiyaay inay ka faa’iidaystaan jaaniskaa ay heleen.
Ugu dambeyntii Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa Ardeydaa iyo Waalidiintooda u soo jeediyay inay iska soo dhex xulaan guddiyo ka hawl gasha anbabaxooda.

0 comments:

Post a Comment