Sunday, November 14, 2010

Mudanayaashii ugu Tirada Badnaa oo Maalin Keliya Isku Faro-saaray Dood Kulul oo ka Socota Golaha Wakiillada

Magacyada xildhibaanno muddo dheer saaxiib ahaa oo isku seegay doodad Xeerka Kala Xadaynta Mushaharooyinka oo xamaasaddiisu cirka isku shareertay
Hargeysa (burcotoday)- Mudanayaashii ugu tirada badnaa ayaa markii u horreysay isku faro-saaray fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay oo ay hadhaysay xamaasad iyo xiisad aad u kulul oo ka dhalatay doodda mooshin xambaarsan xeerka kala xadaynta mushaharooyinka madaxda qaranka oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ka socotay golaha.
Lix mudane oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiillada, ayaa si lama filaan ah daqiiqado gudahood laba-laba isugu faro-saaray fadhigii golahaas ee shalay, kadib markii ay si adag isugu maandhaafeen doodda xeerka kala xadaynta mushaharooyinka Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo mudanayaasha labada gole Baarlamaan, kuwaas oo kala aaminsan afkaar iska soo horjeeda cirka ku shareertay xaraaradda doodda mooshinkaas oo ku socota hab difaac iyo weerar ah.
Xildhibaanada is faro-saaray oo qaarkood feedh isku daldaleen, kuwa kalena faro-cididood lagu kala gaadhay waxay kala yihiin; Md. Cali Maxamed Xasan (Marreexaan) iyo Md. Siciid Cilmi Rooble oo ahaa saaxiibo isku dhaw oo ku wada abtirsada xisbiga talada haya ee KULMIYE, balse isku seegay doodda xeerka xasaasiga ah ee kala xadaynta mushaharooyinka madaxda qaranka, kuwaas oo iyagu is faro-saaray ka hor intii aannu fadhiguba furmin; Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Md. Saleebaan Cali Bukhaari, kuwaas oo iyaguna gacanta isula tagay waqti lagu gudo jiray doodda xeerka, kadib markii Xildhibaan Duur feedh la dulbaxay saaxiibkii Bukhaari oo hareertiisa fadhiyey, arrintaas oo sababtay in go’aan Shirguddoonka fadhiga kaga saaray Xildhibaan Duur.
Sidoo kale, waxa iyagana dirqi lagu kala gaadhay Md. Jaamac Xasan Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), kadib markii ay isku maandhaafeen dagaalka dhexmaray labada mudane [Duur iyo Bukhaari] oo ay la kala safteen, waxaanay ku sigteen inay gacmaha isla gaadhaan, laakiin waxa ku kala guntaday intii aanay is gaadhin xildhibaano u dhawaa oo ku guulaystay inay kala kaxeeyaan.
Dulucda dagaalka mudanayaasha isku faro-saaray fadhigii shalay ee Wakiillada, waxay salka ku haysaa afkaaro iska soo hotjeeda oo mudanayaasha badankoodu ku doonayaan meelmarinta mooshinkan oo ay ka muuqato mushahar kordhin wayn oo xeerku u jidaynayo mudanayaasha labada gole Baarlamaan, isla markaana lagu dhimayo mushaharooyinka ay hadda qaataan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, halka mudanayaasha kalena ka soo horjeedaan kordhinta mushaharooyinka madaxda qaranka oo ay ku tilmaameen mid aan munaasib ahayn waqtigan oo ay ka mudan yihiin in mushaharooyinka loo kordhiyo shaqaalaha dawladda iyo ciidammada qaranka oo qaata wax ka yar 40 doollar, arrintaas oo sababtay in xildhibaanada labada dhinac qaarkood isku af-dhaafaan kadibna gacanta isula tagaan.
Ka sakow fadeexadda mudanayaasha feedhtamay, waxa fadhiga hadhaysay xiisad kulul oo ka taagnayd xaraaradda doodda mudanayaashu ku cabbirayeen afkaarahooda, taas oo saamayn ku yeelatay hab-sami u socodkii fadhiga, isla markaana sababtay inuu dhawr jeer hakad galo kadib marka goluhu isla oogsado buuq iyo sawaxan ka dhalanayey weerarka iyo weerar-celiska mudanayaasha xeerka ku loollamaya.
Doodda xeerka xasaasiga ah ee golaha kala qaybiyey oo gashay maalintii labaad, waxa ka qaybgalay ilaa sagaal mudane, kuwaas oo si weyn ugu kala duwanaa afkaartooda la xidhiidha xeerkaasi.
Mudanayaasha mooshinkan xeerkan lagu kala xadaynayo mushaharooyinka madaxda qaranka dabada ka wada, ayaa dhinacooda ka qayliyey dareennada diidmada ah ee bulshadu ku qaabishay, taas oo ay sheegeen in si khaldan shacabka loogu turjumay.

0 comments:

Post a Comment