Monday, November 22, 2010

Midowga Yurub oo Sheegay Inay Ku Caawin Doonaan 100 Bilyan oo Yuuro Dalka Ireland oo La Ciir Ciiraya Dhaqaale Xumo Ba,an & Deymo Lagu Leeyahay

IRELAND(burcotoday)- Wasiirada Maaliyada ee dalalka Midowga Reer Yurub ayaa go,aansaday inay siiyaan dalka Ireland Lacag Mucaawino ah oo gaadhaysa 100 Bilyan Doller si loo badbaadiyo dhaqaalaha dalka Ireland oo halis ku jira, Lacagtaa ayaa loogu tallo lagay in lagu caawiyo dalka I reland oo la ciir ciiraya deyn badan oo lagu leeyahay iyo bangiyada dalkaa oo iska bixin kari waayey deyntaa,

Dowlada Ireland ayaa noqonaysa dowladii ugu horeysay ee ka tirsan midowga yurub oo lacag mucawimo ah weydiisata Sanduuqa dhaqalaha ee midowga Yurub oo lagu kaydiyo lacag Bilyanis ah oo loogu tallo galay in lagu caawiyo hadii wadamada Reer Yurub mid kamida uu u baahdo in la-cawiyo ama ay la soo daristo dhaqaalle xumo,

Xukuumada Ireland ayaa si Rasmi ah u dalbatay lacagtaa mucaawimada ah si ay uga baxdo mixnada ka haysata dhinaca dhaqaalaha iyo deymaha lagu leeyahay, dhinaca kalle Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay siin donaan lacagtaa oo lagu qiyaasay 100 Bilyan oo Yuuro dalka Ireland iyadoo lagu siin doono Amaah isla markaana la saari doono faa,iido aad uga yar inta la aaro lacagaha la Amaahdo,

Reysal wasaaraha dalka Ireland Mr: Brian Cowen ayaa sheegay inay lacagtaa uga faa,iideysanayaan inay ku kabaan miisaaniyadooda oo aad u liidata isla markana ay kordhindoonaan canshuuraha ay ka qaadaan dadka iyo shirkadaha si loosoo koriyo dhaqaalaha dalka, Mr: Brian ayaa intaa ku daray in mihiimadooda koobaad ay tahay sidii ay u bad-baadin lahaayeen dhaqaalaha dalkaa isla markaana ay u hagaajin lahaayeen nolosha dadkooda,

0 comments:

Post a Comment