Monday, November 29, 2010

Faallo:- Internet-ku Waa Qol Madow Oo Cabsi Badan Ee Ka ILaassho Ubad-kaaga‏

Internet-ku waa hormarka la taaban karo ee casriggan la joogo tiknoolajiyadda laga gaadhay. Waa shabakad balaadhan oo aad ka heli karto macluumaad kasta oo aad u baahantahay. Waxa uu aad u fududeeyey iswaydaarsiga macluumaadka iyo kala qaadashada wararka iyo Isgaadhsiinta dunidu u baahantahay. Waxa aad odhan kartaa waxa uu aduunka ka dhigay sidii xaafad yar oo iska wada war haysa.

Inkasta oo uu faa’idooyinkaas oo dhan leeyahay,  hadana internet-ku waa meel madow oo cabsi badan. Waa meel ay fududahay in si dhib yar loogu fidiyo danbiyada waaweeyn iyo anshax-xumo faro badan. Waa meel qofkii aan aad uga digtoonaani uu ku dhex lumayo…. khaasatana caruurta.!

Caruurta Soomaalida Iyo Internet-ka

Soomaalida Qurbe-jooga ahi si aad ah ayey u isticmaalaan internet-ka. Guryaha Qurbe-jooga Soomalida intooda badan lagama waayo computer ku xidhan internet-ka. Caruurta iyo dhaliinyarada soo koraysa ayaa u badan Soomaalida sida aadka u isticmaasha internet-ka. Caruurtaas qaar badan oo ka middi waxa ay wakhti  aan yarayn ku qaataan goobaha wada sheekaysiga  internet-ka (chat rooms) iyo boggoga anshax xumidda (in appropriate sites) ee aadka ugu badan internedka.

Waalidiin badan ayaan la socon wax yaalaha Caruurtoodu kala kulmaan Internt-ka.

Inta badan waalidku aad ugama war hayaan meelaha ay caruurtoodu ka bookhdaan inernet-ka iyo dadka ay caruurtoodu hawada kala sheekaystaan-ba. Waalidiinta qaarkood waxaaba laga yaabaa in ay aad ugu farxsanyihiin in ay caruurtoodu dul fadhiyaan computer-ka intii ay debadaha  warwareegi lahaayeen.

Hadii uu waalidku waydiiyo ubadkooda waxa ay computerka ka dul qabanayaan…… jawaabta fudud ee ay ubadku siiyaan waalidka waxa weeye in ay casharadii iskuulka ku diyaarinayaan.  Jawaabtaasi waa mid farax galisaa waalidka laakiin mar kasta ma aha jawaabta runta ah!. Jawaabta runta ahi waxa weeye in qaar  ka mida ubadkaasi ay computer-ka u dul fadhiyaan sheekooyin aan fiicnayan iyo daawashada waxaan khayr u lahayn aduun iyo aakhiraba.

Fasaxyada Iskuulada iyo internet-ka

 Khatarta internet-ku waxa ay sii laban laabantaa wakhtiga Iskuulada ay caruurtu fasax ka yihiin, meelaha ugu badan ee ay firaaqadooda ku dilaana (lumiyaan) waxa ugu badan internet-ka. Sidaa daraadeed waa in waalidku uu ku baraarugsanaado khatarta uu arinkani leeyahay.

Talooyinkan hoos ku qoran ayaan filayaa in ay waalidiinta ka caawin doonto sidii ay uga hortagi lahaayeen khatarta  caruurtooda uga iman karta internet-ka. 

1.Waalidku waa in uu wax ka bartaa qaabka uu internet-ku u shaqeeyo.  Wacyi galintan waalidka waxa ay door ka ciyaari kartaa in caruurtu internet-ka sida saxda ah u isticmaalaan.

2. Computer-ka waa in la dhigaa meel muuqata sida Makhsinka Fadhiga ama meesha lagu cunteeyo, meel isha waalidku ka arki karto waxa Computer-ka ka soo baxaaya, ha laga ilaaliyo Computerka makhsinada hurdada ee caruurta iyo meel kasta oo caruurtu ay dareemi karaan in aanay ciddi ka arkayn.

3.Waalidku ha isku dayo in uu caruurta la fadhiisto ama ugu yaraan uu ka ag dhawaado wakhtiyadda ay internet-ka  ku jiraaan.
 

4.Hadii aad caruurtaada ku aragto in ay habeenkii wakhtiyadda danbe ku soo jeedaan internet-ka, sidaaas oo kale hadaad aragto in marka aad u soo gasho ay bakhtiinayaan kombuyuutarka waxaad ogaataa in ay mushkilad faraha kula jiraan. Isku day in aad kala hadasho kuna baraarujiso khatarta uga iman karata internet-ka, sidaas oo kale u sheeg waxyaabaha aan u haboonayan in ay sameeyaan wakhtiyadda ay ku jiraan internet-ka.
 

5.Ubadkaaga u sheeg in aanay internet-ka kala xidhiidhin cid aanay aqoon u lahayn. Marar badan  dad waaweeyn oo xumaan  raba ayaa si ay caruurta uga ugaadhsadaan internet-ka  waxa ay iska dhigaan da’ yar. Sidaa daraadeed waa in caruurta looga digaa khaarta ka imana karta in ay caruurtu la shekaysataan cid aanay garanayan.
 

6.Waa in looga digaa caruurta in aanay sawiradooda ,macluumaadka shakhsiga ah sida reerkooda iyo telefonkooda meesha ay degenyihiin ay siiyaan cid aanay garanayan. Marar badan waxa dhacda in sawiro la diray loo isticmaalo hab ka baxsan anshaxa wanaagsan.
 

7.Waxa kale oo muhiim ah in caruurta inta ay yaryaryihiin lagu koriyo Ilaahay in ay ka cabsadaan, waayo cabsida Ilaahay waa arinka ugu wayn ee caruurta iyo dadka waaynba ka ilaalilnaya xumaanaha oo dhan.

 

Gabagabo: Internet-ku waa tiknoolojiyo horumar badan ku soo kordhisay ban’iaadmiga, laakiin khatartiisuna ma yara sidaa daraadeed waa in laga faa’idaystaa wanaaga badan ee ku jira waana in laga digtoonaadaa xumaanaha badan ee dhex yaala. Ilmahaaga habeen madow ha ku sii dhex-daynin meel khatar ah, sidaa dareedeed caruurta yaan lagu ilaawin internet-ka dhexdiisa oo ay kala kulmi karaan Fool-xumo badan.

0 comments:

Post a Comment