Tuesday, November 16, 2010

Dagaal Culus oo Goor Dhaweyd Ka Dhex Qarxay Deegaanka Buuhoodle iyo Qori Lugud

BURCO(burcotoday)- Dagaal Culus ayaa ka Dhex Qarxay Goor Dhaweeyd Deegaan u dhexeeya Buuhoodle iyo Qori Lugud kaas oo  Dhex maraya Beelaha wada Degaankaasi waxaana ilaa hada lagu soo waramayaa in dagaalkaasi uu Gaystay Khasaraayal isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Daryanka rasaasta iyo Madaacfiicda ay isweydaarsanayaan labada dhinaca ayaa laga maqalyaa Deegaamada Buuhoodle iyo Qori Lugud taas o cabsi badan ku abuurtay dadka deegaamadaasi waxaana lagu soo waramayaa inay haatanba bilaabantay inay dadku ka agdhaw deegaamad uu dalku ka socdaa ay isaga carareen iyaga oo ku sii jeeda meelaha ka fogfog halka uu dagaalku ka socdo.

 

Mar aan isku daynay si aan wax uga ogaano khasaarayaasha Dhabta ah ee Dagaalkaasi Gaystaya ayaan noo suurta gelin uayada oo labada dhinacba ay xiligani ku mashquulsanyihiin isku hub Urursi iyo gurmaad laxaadle oo ka kala imanay Deegaano fog fog halka Dagaalkuna uu Xiligani Marayo Meel aad u xun.

 

Weriayaal Madax banan oo u sugan Jiida Hore ee Dagaalka ayaa Oodweyne News u xaqiijiyay in jiraan khasarayaal nafeed oo ka dhasahay dagaalka ilaa hadana ma jiro wax waan waana oo laga dhexwadaa dadka dagaalamaya iayada oo lagu soo waramayo in dhamaanba xxiligani ay ka Socoto Gobolada Bariga Somaliland Baxida Ergooyin ka kala Socota dadka Dega Deegaamada o Odhan.

Wixii Warara ee Ka Soo Kordha Dagaalkaasi Dib ayan idiinku Soo Gudbin Doonaa.

 

0 comments:

Post a Comment