Saturday, November 27, 2010

“ Wasiir Gaboose waxaan u sheegayaa lagama fadhiyo inaad Ummadda khilaaf ku dhex abuurto” Sh. Aadan Siiro

Hargeysa(BCT)- Sheekh Aadan Xaaji Maxmuud Xirsi  (Siiro) ayaa maanta Qudbadii jimcaha waxa uu kaga hadlay arimo badan sidoo kalena  waxa uu  Jawaab kulul ka bixyey hadalka soo yeedhay Wasiirka Arimah Gudaha Dr.Maxmed Cabdi Gaboose.

Sheekhu waxaa  uu sheegay mar uu hadalkii Wasiir Gaboose ee shalay ka hadlayey waxa uu yidhi  “ Wasiirka arrimaha Gudaha waxaan u sheegayaa lagama fadhiyo inaad Ummadda khilaaf ku dhex abuurto, anaga ayaa hayna cadaymo cad-cad adiga ayay ahayd shaqadaadii kuwa aanu haynana hadaad daawato yaa Indhaha kaa tuura ayaad odhan doontaa, sharcig ay Ummadani ku heshiisay shirar badan bay qabsatay ma yeeli doonto inaad baal marto waxa uu Dastuurku dhigayo oo ah Shareecada Islaamka wixii ka hor imanay Dalka laguma dhaqi karo.”

 

Waxa kale oo uu Sheekh Aadan Siiro ka hadalay aragtidiisa ku wajahan Xukunka ninka Jarmalka ah ee ku eedaysan falalka dhaqan xumada ah waxa uu yidhi “ Xukuumaddu waa inay ninkaas Maxkamadda u horkeentaa sida ugu dhakhsaha badan, waana inay xukunkiisa u cuskataa Shareecadda Islaamka, laga yeeli maayo inay Baynal Koodh ku xukunto, waanu ognahay inay Garsoorihii Maxkamadda Degmadda ee Kiiska gacanta ku hayay u bedeshay Ciqaabta Ninkaasi leeyahay ayuu marin awgeed.”

 

Mar uu Sheekh Aadan ka hadalayey Dhacdo tan oo kale ah oo dhacday Wakhtigii Asxaabada waxa hadaladiisii ka mid ahaa  “ waxa jirtay Qiso wakhtigii Asxaabta dhacday nin Kaafir ah baa gabadh Muslimad ah Kufsanayay, Nin Muslim ah oo koone ka soo laabaya ayaa Maqlay qaylada gabadha Markaasuu  ninkii Eryaday seeftiisii ayuu dacal kala gaadhay oo uu dhaawacay, Asxaabigii ayaa la weydiiyay Markaasuu ku jawaabay hadaan  gaadhi lahaa laba ayaan u kala jari lahaa markaasaan waliba “SALBIN” lahaa ayuu yidhi” isagoo tusaalahaasi ku fasiraya Sheekhu ayuu falka ninkaasi ku tilmaamay mid ciqaabtiisu tahay sidaas oo kale leh.

 

0 comments:

Post a Comment