Tuesday, November 23, 2010

in Kabadan 339 Qof Ayaa Ku Dhintay Boqolaal Kalena Wey Ku Dhaawacmeen Meherijaan Ka Dhacayey Dalka Cambodia Kadib Markii Cidhiidhi & Is Jiidh Ka Dhacay

CAMBODIA(burcotoday)- In kabadan 339 qof ayaa ku dhintay boqollaal kalena wey ku dhaawcmeen kadib markii is jiid iyo is dul fuul uu ka dhacay meherijaan lagu qabtay magaalada caasimada dalka Cambodia, Da dkaa oo ka qeyb galayey Mehrajan Sanadle ah oo halka lagu qabto ayaa dhimashadaasi timi kadib markii ay is dul fuulleen,

Xukuumada Cambodia ayaa sheegtay in Meherijankaa oo soconayey sadex maalmood ay ka qeyb galeen in ka badan Laba Malyuun oo qof, iyadoo Meherijaanka la qabto sanad walba dhamaadka wakhtiga dabeylaha, Meherijaankan ayaa lagu soo bandhigaa ciyaaro dhaqanka dalkaa oo ay ku jiran tartan lagu tartamo doonyaha shiraaqa lagu xidho,

Dad goob joogayaal ahaa ayaa sheegay in uu soo dumay qeyb kamida Biriijka dul mara wabiga Tonle kadib markii cid hiidhi badn iyo is jiidh uu ka dhacay biriijka dushiisa, Arintan aya keentay inay halkaa ku dhintan dad badn oo kmid ahaa ka qeyb galayaashii Mererijaankaa,

Reysal wasaraha dalka Cambodia Hun Sen ayaa sheegay in shilkaasi yahay kii ugu xumaa ee soo marra Tariikhda dalkaa Cambodia,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed

Oodweynenews.com / SWEDEN

Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment