Tuesday, November 30, 2010

Ku Simaha Gudoomiyha Xisbiga UDUB Oo Sheegay In Anuu Cumar Jaamac Wax Xil Ah Ka Hayn Xisbiga UDUB

Hargeysa(burcotoday) Madaxweyne-kuxigeenkii hore ee Somaliland ahna Ku-simaha Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UDUB Axmed yuusuf yaasiin  ayaa  shir Jaraaid Hargeysa kaga hadlay arimo doora.

Md.Axmed Yuusuf Waxa uu ka hadalay Xilka Madxa Siyaasada ee Xisbiga UDUB waxa uu  sheegay in Xilkii gudomiyenimada Siyaasada ee xisbiga UDUB ay wakhti hore uga qaadeen Cumar Jaamac Faarax waxanu intaasi ku daray in ay Gudida anshax u gudbiyeen hadalkii cambareeynta ahaa ee uu u jeediyey wasiirkii hore ee maaliyada Xusseen Cali Ducaale (Cawil) isaga oo ku hadlay Afkii Xisbiga Udub oo aanu ahayn.

Waxa uu Md.Axmed Yuusuf isaga ooarintaas ka hadalaya yidhi “Ninka maanta ku hadlaya inuu yahay guddoomiye xisbi siyaasi ah, xisbiga afar nin ayaa xisbigu shirwaynihii ku doortay, anagu waxay mudadii ku egtahay in aanu golihii dhexana diyaarino, gudidii fulinta oo ku meelgaadh ah ayaanu samayno, golaha dhexe iyo fulintuna waa ku meel gaadh oo ilaa lagu ansixiyo shirwaynaha rasmi ah noqon maayaan”.

Waxa kale oo uu intaas ku daray Md.Axmed Yuusuf Yaasiin “waxa lagu kala baxayaa ninku sida uu u shaqaysto iyo inuu bixiyo qaadhaankii xisbiga, xisbigana la hawlgallo, markaa haddii nin wax ahaan jiray oo wixii ka tageen maaha inuu sheegto ama afkii xisbiga uu ku hadlo, horta cidii hadashayba anagu maanta (shalay) shir aanu lahayn waxaanu ku go’aansanay in cidii hadashay ee ku hadashay afkii xisbiga shaqadii uu xisbiga u hayay laga joojiyo, gudida anshax marintana loo gudbiyo.”

 

Mar uu la hadlayay bahweynta xisbiga UDUB waxa uu yidhi  “Waxaan bahwaynta xisbiga UDUB u sheegayaa, xisbiga UDUB waxa uu ku tallo jiraa mustaqbalka haldoorkiisa haddii ay tahay golaha dhexe iyo haddii ay tahay gudida fulinba inay noqon doonaan dhiig cusub (Dad cusub), xisbiguna waa inuu noqdaa mid rasmi ah oo qaadhaankiisa dadwaynuhu bixiyaan, markaa anagu waxaanu doonayna haddii qaar is leeyihiin rag-baa meesha ku dhagan, ragan meesha ku ururay waxa laga yaabaa in aanay bari joogin, laakiin maaha xisbigu haddii uu ka baxay saaxadii hogaaminta dalka in xisbigii laga dhaqaaqo oo uu burburo maaha, waa in xisbigii la gaadhsiiyaa shirwaynaha dambe, si uu u doorto hogaamiyayaal cusub”.

 

Mar uu la hadalayey Madaxda Xisbiga ee Jraaidka waxa kku soo qortana waxa uu yidhi “Markaa waxaan leeyahay xubnahan jaraa’idka ku yooyootamaya wixii meesha yimaada waa ku meel gaadh, markaa waxaan leeyahay ninkii shaqaysanaya ee doonaya inuu noqdo xisbiyahan rasmi ah ha shaqeeyo hana sugo shirwaynaha dambe.” Sidaana waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Md.Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxa kale oo uu Axmed yusuf yaasiin ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xallada dalka Somaliland waxanu sheegay in wakhtigan ay ku hawlan yihiin sidii ay u dardargalinlahayeen xisbiga UDUB si uu u noqdo Xisbi mucaarid oo xoogan.

Waxa kale oo uu ka hadlay arinta ku saabsan ninka jarmarka ah ee lagu soo eedyey falal  anshax  xumo ah oo ka soo horjeeda dhaqanka islaamka, waxanu tilmaamay in ay haboontay in ninkaas maxkamad la korkeeno si degdeg ah.

Axmed Yuusuf Yaasiin.

0 comments:

Post a Comment