Monday, November 22, 2010

Xafladii habeenkii Sabtida London iyo Kalkaaliyaasha Cafimaadka Somaliland (SLNMA) (SAWIRO)

Habeenkii Sabtida waxa lagu qabtey galbeedka Magalaalada London munaasibad aad u qurux badan oo ay soo qabab qabiyeen Garabka Haweenka Somaliland iyo Somaliland Community,waxayna ku saabsaneyn caawinta iyo dhaqaale u raadin loo sameynaayo ururka kalkaaliyaasha Caafimaadka Somaliland (SLNMA),xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen dad badan oo dhalinyaro iyo waayeelba leh..


Waxa madasha  ugu horeyn hagaayey Cali Ahmed Raabi (Cali Seenyo) oo “dadkii kasoo qaybgalay ku amaanay kasoo qaybgalka ay kasoo qaybgaleen munaasibadan qaaliga ah ee aynu doonayno inaynu ku caawino ama lacag ugu uruurino ururka kalkaaliyaasha Caafimaadka Somaliland,waxa kale oo uu sheegay Cali Raabi in dadka reer Somaliland ee dalkan degani ay aad usoo buux dhaafiyaan marka ay shirar xisbiyo la qabanayo,lakiin hadii la doonaayo in waxqabad la taaban karo loo sameeyo arimaha bulshada ay dad aa u yari  kasoo qaybgalaan,waxaanu dadka kula taliyey inaydun ogaataan waxtarka dadka aad ka geysanysaan inuu yahay wax aad u muhiima”.

Foosiya Maxamed Ismaaciil  waxa ay madax ka tahay  ururkan Kalkaaliyaasha Caafimaadka Somaliland (SLNMA),waxa ay sharaxaad aad u muhiima ka bixisay asaaska ururkan iyo waxyaalihii ku kalifay,sidasoo kale intii ururkani jirey wixii ay qabteen,waxa Foosiya ay sheegtay “in nolosha qofku ay muhiim u tahay Caafimaadku oo hadii wax laga qabto caafimaadka dalku uu qaybweyn ka qaadan karo nolosha dadka reer Somaliland,waxa Foosiya ay deganeyd dalka Canada mudo ka dibna waxa ay go’aansatey inay kasoo guurto oo ay dalkii wax ay ka baratey ku noqoto, waxayna imika ku sugnayd Somaliland mudo 6 sanadood ah,oo wixii ay qaban karto dadka gaadhsiiso. Waxa kale oo ay tibaaxdey intii ururkani jirey inay wax weyn ka qabteen arimaha Bulshada iyo caafimaadkaba.


Waxa ay kasoo ay soo jeedisay in dadka reer Somaliland meelkastoo ay joogan ay qeyb weyn ka qataan horumarka Somaliland oo aanay cidna ku halayn,waxa ay Foosiya soo martey dalal kale oo ka tirsan qaaradan yurub,iyadoo sidasoo kale ula hadashay shacabka reer Somaliland.

Waxa kale oo madasha joogay oo kasoo qaybgalay qaar ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland waa UCID oo uu goobjoog ka ahaa Siciid Cumar Ahmed (Gudoomiya yurub ee UCID) Mustafe C/lahi( Xogahayha Siyaasada Xisbiga UCID)

Waxa ay u dhacdey si qurux badan oo aad moodo in dadku meelo fogfog ka yimadeen,sidasoo kale waxa madasha ku badnaa haweenka oo aad moodo in marka ay noqoto xaga waxqabashada arimaha bulshada in haweenku ay ku badan yihiin,sidasoo kale xaga siyaasadana ay dabcan ragu ku badan yihiin, tasoo ku tusaysa haweenka muhiimada xaga arimaha bulshada.

Talo. Fadlan hadaba waxa laga codsanayaa dhamaan dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay ururka kalkaaliyasha Caafimaadka aad ka geysato wixii aad awoodi karto adigoo lasoo xidhiidhaaya cinwaanka halkan hoose ku xusan.

Fosiya Maxamed Ismaciil…..Tell Somaliland 002522520099 Mobil…252024489689.

Email….fouziaisma51@yahoo.com     sl_nma@yahoo.com

Amaba booqo cinwaanka websitka www.slnma.org











0 comments:

Post a Comment