Saturday, November 13, 2010

gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Hadalo Ku Duray Xildhibaano Aan Golihiisa Ka Tirsanayn

Hargeysa (burcotoday)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md: Saleeban Maxamuud Aadan ayaa waxa uu sheegay in  aanay Munaasib ahay in ay in la meel maryo mooshin ay wataan qaar ka mida Xildhibaanada  Golaha Walkiilada Somaliland oo ay doonayaan in ay Mushharka ku kordhistaan.Gudooomiye Saleebaan ayaa waxa uu sidaa kaga dhawaaqay mar uu Saxaafada kula hadalayey Xarunta golaha wakiiladaGudoomiye Saleebaan ayaa waxa uu diidadaatkiis arintaas ku sababeeyey xaaladaha Dalku marayo oo uu ku tilmaamay inay tahay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabtoMar uu arintaas ka hadalayeyna waxa uu sheegay Md.Saleebaan “waa waajib in mushaharooyinka la qeexo, dastuurka way ku jirtaa baan filayaa,waa ha yadaha gaarka ah baan filayaa, oo ay ku jiraan madaxwaynaha, ku- xigeenka iyo labada Gole, inay tahay ,cid kale oo ku jirtaa anigu hada ma ogi, mushaharkuna hadba maceeshadu sida ay tahay, inay saamayso ayey hayd, hadii maceeshadu qaali noqoto inuu la kaco, hadii mushaharadu halkeedaa ku joogtana waa barwaaqo, haday kacdana inuu la kaco,waxaana mar walba sal u ah, hadba dhaqaalahaaga iyo miisaaniyadaadu intay tahay ayaa sal u ah”   sidaan wax yidhi Gudoomiye Saleebaan Maxmuud Aaadan.
Mar uu ka hadalayey Gud Saleebaan Waxka badalka Xeerka Kla Xadayna Mushaharooyinka Goloyaashana waxa uu yidhi “Sanadkan waad ogtihiin oo xukuumada cusubi waxay dhaxashay dayn miisaaniyadeed oo dhawr bilooda, ilaa hada ilaahay mahadii way dedaalaysay , aniga aragtidayda way dedaalaysay ayaan qabaa, wax la bix-bixi, waxaan markaa qabaa hadba in la eego miisaaniyada oo dib u eegis lagu sameeyo ayaan leeyahay,mushaharka in la kordhiyo xaq weeyey,laakiin waxaan leeyahay horta aynu daynkan miisaaniyadeed aan ka baxno,wasaaraddii maaliyada aynu la socono daynkan miisaaniyadeed aan ka baxno, hadii wax inoo kordheen sanadka badhtamihiisa lix bilood marka aynu wax uruurino aynu eegno waxaa inoo soo baxay”

Dhinaca kale waxa uu guddomiyuhu ka hadlay balan qaadkii xukuumada ee kordhinta mushaharka shaqaalaha dawlada iyo golayaasha qaranka  siga oo arintaas ka hadalaya Gudoomiye Saleebaan Sheegay Sidan
“Barmaamuj xisbi doorasho ku jira iyo awooda qaranku waa kala jeeb, waa wax uu tiigsanayaa barmaamujka xisbigu, barnaamijka xisbigu ku hawl gelayaa markuu xukuumad noqdo iyo waa kala jaad xaaladu waxay tahay, anba waan ogolahay, ma filayo Maxamed Xashi inuu diidanyahay mushahar kordhin, anba waan ogolahay mushahar inuu kordhnayo, laakii waxaa la yidhi hadba sidaad u jabot ayaa loo dhutiyaa, markaa marba awoodeenu inta ay tahay ayuun baynu wax ku qabsanaynaa.” Sidaana waxa yidhi Gudoomiye Slaeebaan Maxmuud Aadan.


Saddam Mohamed Ahmed

Oodweynenews/ Hargeysa Office

Sadam151@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment