Sunday, November 14, 2010

Waftigii Uu Hogaaminayey Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Caasimada Dib Ugu Soo Laabatay

Hargeysa (burcotoday)- Waftigii uu horgaaminyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxaam Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa fiidkii dib ugu soo laabtay Caasimada Hargeysa

Waftan Madxweyne ku Xigeenka ayaa waxa ay mudo afar maalmooda safar shaqo ugu maqlaayeen magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, halkaasi oo ay Waftiga Madaxweyne ku xigeenku kulan kula yeesheen masuuliyiinta Gololka iyo hogaamiye dhaqameedka deegaankaas.

Wafiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa ay saaka ka soo kicitimeen Magaalada Boorama, waxanay maanata barqadii soo gaadheen Magaalo madaxda Gobolka Gabiley ee Gabiley halkaasi ay kulan kula yeesheen madaxada Gobolka kuwa dagamda iyo Hogaamiye dhaqameedka deegaaka Gobolka Gabiley.

Wafiga Madaxweyne ku Xigeenka ayaa waxa ay markii ay soo gaadheen Magaalada Gabiley  kulan la laqaateen  Madxada Gobolka iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee Gobolka Gabiley, waxa uu Madxweyne ku Xigeenku dadaka deegaankaa kala hadaly xafiiska Gobolka Gabilay.

Madxweyne Ku Xigeenka ayaa waxa uu dadka deegaankaa u sheegay in ay Xukuumda Cusub ee uu Madaxweyne ku Xigeenku ka  yahay in ay dagaal toosa la galayso Musuq- maasuqa, waxa uu sheegay in ay dawlada Somaliland diyaar u tahay in ay dalka gaadhsiiso horu mar iyo barwaaqo.

Intaas ka dib waxa waftiga Madxweyne ku xigeenka qado sharfeed loogu sameeyey Hotel Askar oo  ku yaala magaalada  Gabiley.

Galabata ayaa ay waftigu ku soo guryo laabteen Magaalo madxda Somaliand ee Hargeysa, Waftiga madxweyne ku xigeenka ayaa waxa ka mid ahaa Wasiiro , Xildhibaano iyo masuuliyiin sarsare oo ka mida Dawlada Somaliland.

 

Saddam Mahomed Ahmed

Oodweynenews/Hargeysa Office

Sadam151@hotmail.com















 

0 comments:

Post a Comment