Monday, October 11, 2010

Salmaan Rushdi oo Ah Ninkii Qoray Buuggii Quraanka Lagu Af-lagaadeynayey oo Sheegay Inuu Sax Ahaa Isla Markaana uu Soo Saari Doono Buug uu Kaga Hadlayo Dhibkii Kasoo Gaadhay 20 Sano oo uu Dhuumanayey

Salmaan Rushdi oo Ah Ninkii Qoray Buuggii Quraanka Lagu Af-lagaadeynayey oo Sheegay Inuu Sax Ahaa Isla Markaana uu Soo Saari Doono Buug uu Kaga Hadlayo Dhibkii Kasoo Gaadhay 20 Sano oo uu Dhuumanayey

LONDon(burcotoday)- Salmaan Rushdi oo ah ninkii qoray Buugii uu ku aflagaadeynayey Quraanka kariimka ah sanadkii 1988 ayaa sheegay inuu soo daarayo Buug uu kaga hadlayo wixii soo maray in kabadan 20 sanadood oo uu ku jirey dhuumasho,
 Salmaan Rushdi oo ah Ingiriis Asalkiisu yahay dalka Hindiya oo 63 jir ah ayaa dhuumasho ku jiray in kabadn 20 sanadood kadib markii Hogaamiyihii Ruuxiga ahaa ee dalka Iran Ee Ayatullah Ruuxullah Khumeyni uu ninkaa ku xukumay dil sanadkii 1989, Iyadoo ninkaa lagu baayacay lacag aad u badan oo Iran siin doonto qofka dilla ninkaa,
 Salmaan Rushdi oo u waramayey Wakaalada Reuters ayaa sheegay inuu Rumeysan yahay inuu sax yahay isla markaana kitaabkiisa Cusub uu ku qori doono Xusuustii iyo dhacdooyinkii soo maray labaatan sanadood oo uu dhuumasho ku noolaa, Salmaan Rushdi ayaa u sheegay Jariirada isagoo qarinaya dhibaatada soo martay iyo ta iminka haysata in aanuu dareemeyn wax cidhiidhi ah iyo niyad jab isla markaana uu doonayo inuu wajjaho nolosha dhibta badan ee soo martay,
 Salmaan Rushdi oo ah sheydaan weyn isla markaana aad uga cadheysiiyey caalamka islaamka ayaa sheegay inuu dhameyn doono buuggaa uu ku qorayo xusuustiisa iyo dhibkii ka soo maray dhuumashadii uu ku jiray 20 sanadood  inuu dhameyn doono sanadka 2011,
 Salmaan Rushdi ayaa Ayaa soo saaray Buugii uu ku aflagaadeynayay Quraanka kariimka ah Sanadkii 1988 iyadoo Sanadkii 1989 uu Ayatullahi-gii dalka Iran ee dhintay uu ku xukumay ninkaa dil toogasho ah, Ninkan ayaa warku sheegay in markii dilkaa lagu xukumay aanuu kasoo bixin gurigiisa oo lagu illaalin jiray muddo sagaal sanadood ah, ninkan ayaa la sheegay in mar marka qaar lagu arki jirey munaasabado iyo xaflado uu ku iman jirey si dhuumasho ah isla markaana aad loo illaalinayo wixii ka danbeeyey sagaalkii sanadood ee ugu horeeyey xukunkaa dilka ah ee Iran ku xukuntay ninkaa oo illaa maanta halkiisii taagan iyadoo aanay Iran mar qudha aanay ka noqon xukunkaa,

0 comments:

Post a Comment