Wednesday, October 6, 2010

Amir Adan oo Ah Wiil Soomaliya oo Xildhibaan Ka Noqday Dalka Sweden‏

SWEDEN(OWN)-Maanta oo bishu tahay 6 oktoobar waxa la furay barlamanka Sweden. Waxa halkaas joogey Amir Adan oo ah Xildhibaan loo doortay Barlamaanka Sweden.waa malin taarikhi ah.

 
Amir Adan  ayaa doorashadii Baarlamaanka Sweden ka soo baxay Xisbiga Muxafidka (Conservative party) oo noqday xildhibaan. Xisbiga Muxaafidku waa Xisbiga Dawladda haya. Amir Adan oo dadiisu ay tahay 25 sanno ayaa ah Xildhibaankii ugu  horeyey ee dhalinyaro ah oo afrika asalkiisu yahay ah oo soo galay barlamaanka Sweden. Arrintaasina waa mid guul ah oo lagu farxo.
 
Dhalinyarada somalida ah,  afrikaanka  iyo ajnebiga kaleba ee ku nool Waddanka Sweden waxa uu Amir  Adan u Yahay tusalo fiican. Amir Adan siyaasada muddo badan ayuu ku jirey. Waxa uu fadhiyey Golaha Deeganka ee Xaafadda Hasselby, Ururka Dhallinyarada ee Xisbigana Gudideeda ayuu ka mid ahaa.
Amir Adan waxa uu ku dhashtay magalada Sockholm, Sweden. Abihii ayaa ka yimi magaalada Sheikh, Somaliland. Amir Adan laba jeer ayuu tegay Somaliland. Markii ugu dambeysay waxa uu tegay sannadkii 2009. Waxa uu booqday, Magaalooyinka, Hargeysa, Berbera, Sheikh iyo Burco. Hargeysana waxa uu kula kulmey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Abdirahman M Abdillahi iyo madax kale.
Amir Adan aad ayuu ula dhacay  horuumarka fiican ee Somaliland ka socda marka la eego dhinaca nabada, dimuqraadiyada iyo baayacmushtarka. Amir Adan waxa ku yiri ”waxa aan ku faraxsanahay sidii fiicneyd ee ay doorashadii madaxweynaha u dhacday waxa aan rajeynaya in horuumarka fiican ee ka socda Somaliland uu hore u sii socdo. Amir Adan waxa uu ku talo jira in uu sannadka soo socda booqasho ku tago Somaliland.,,

0 comments:

Post a Comment