Tuesday, October 12, 2010

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka Qayb-galay Kulan Lagu Soo Bandhigay Daraasad Lagu Qiimaynayay Ciidanka Somaliland + SAWIRO

 

Hargeysa (burcotoday)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta Miiska Saraakiisha ee Hargeysa kaga qayb-galay bandhiga daraasad lagu qiimaynayay Ciidamada Somaliland.
Daraasaddan oo muddo ah soo socotay, ayaa waxa ku hawlanaa Guddi Heer Qaran ah oo ka kooban Saraakiisha waa wayn ee Ciiamda dalk Jamhuuriyada Somaliland.
War-saxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)  oo ay weheliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Warfaafinta iyo Cadaaladda ayaa  ka qayb galay kulan Balaadhan oo lagu soo Bandhigay Daraasad ay in mudo’ahba ku hawlanaayeen Guddi Heer Qaran ah oo ka kooban Saraakiisha waa wayn ee dalk JSL.
Kulankan oo ka dhacay Miiska Saraakiisha waxa uu madaxweynuhu warbixinta Daraasadan ka dhegaystay xubno kamida Gudida saraakiisha ah ee soo diyaarisay.
Madaxweynuhu waxa uu gudida ka gudoomay  Dhawr buug oo ay  ka diyaarisay Daraasadan oo nuxurkeedu ku urursan yahay sidan:-
1.        Sharciyada Ciidamada
2.      Derajooyinka Ciidamad
3.      Iyo Qaab dhismeedka Ciidamada
Gebegabadii kulanka Hadal kooban oo madaxweynuhu halkaa ka jeediyey waxa uu marka hore Gudida, Wasaarada Gaashaan Dhiga, Taliska Ciidanka Qaranka iyo Cidkasta oo Gacan ka gaysatayba ku boogaadiyey Daraasadan Kulanka lagu soo ban dhigay  oo uu Madaxweynuhu Sheegay inay tahay mid qiimo wayn dalka ugu fadhidda.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu Qudbadiisaa ku amaanay dhamaanba ciidamada dalka oo uu sheegay in ay Kaalin weyn kaga jiraan dhismaha Dawladnimada, Adkaynta Nabad gelyada iyo Difaaca qaranka, waxaanu ku amaanay Adkaysiga ay u leeyihiin Xil gudashadooda.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay tahay hawshani bilawga dadaalka ay xukuumadu doonayso ee Balan qaadkeedu ahaa inay ciidamadu Derajo-yeeshaan.
Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu balan qaaday inuu daraasadan iyo tala bixinta guddidaba fulindoono kolba intii ay awoodu saamaxdo.”

0 comments:

Post a Comment