Wednesday, October 27, 2010

Laanta Afka Soomaaliga Ee B.B.C-da Oo Beenisay In Yuusuf Garaad Cumar Uu Xilkiisii Waayay “Yuusuf Garaad Waa Ku Xigeenka Madaxa Laamaha Afrika Iyo Madaxa Laanta Afka Soomaaliga” Kaati Ciise‏

London (burcotoday)– Shabakadda wararka ee Oodweynenews ayaa maanta waxay khadka telefoonka kula xidhiidhay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da iyadoo wakhtigaasi weriyayaasha idaacaddu ay ku guda jireen diyaarinta barnaamijka Duhurnimo ee Idaacadda laanta afka Soomaaliga oo baxa abaaro 12:00 wakhtiga dalka UK kuna beegan 14:00 duhurnimo ee wakhtiga Geeska Afrika.

Shabakadda Oodweynenews oo khadka telefoonka ku heshay wakhtigaasi Kaati Ciise oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da iyadoo wakhtigaasi ku guda jirtay diyaarinta barnaamijka Duhurnimo ayaan ugu horayn waxaan weydiiyey bal inay ii xaqiijiso inuu shaqadiisii waayey (redudancy) Madaxii laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-du Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxaanay iigu jawaabtay “Yuusuf Garaad waa ku xigeenka madaxa laamaha Afrika iyo Madaxa laanta afka Soomaaliga Idaacadda B.B.C-da wuxuuna ka tirsanyahay Soo saarayaasha qaybta adduunka la hadasha ee World Service, walaal warkaasi waa mid aanay waxba ka jirin, Haddii uu soo baxana cidda uu ka soo baxo ee xaqiijin lahayd waa Laanta Afka Soomaaliga ee B.B.C-da waxaananu ka sii dayn lahayn baahimayaga kala duwan sidii aanu hore uga sii daynay markii uu shaqada ka fadhiisanaayey Madaxii hore ee laanta afka Soomaaligu Maxamed Cabdilaahi 1998-kii” ayey tidhi Kathy Ciise oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-du
Kaati oo aan haddana Weydiiyey bal inay faah faahin iga siiso Dhimistii ay Xukuumadda wadaagga ah ee  Britain ku dhintay Miisaaniyaddii qaybta adduunka la hadasha ee B.B.C-da ee loo yaqaano BBC WORLD SERVICE inay saamayn ku yeelan karto laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda B.B.C-da waxay ku jawaabtay “haa walaal arrintaasi way jirta waxaa lagu sameeyey kharashkii miisaaniyadda ee qaybta World Service Dhimis, waxaana la filaya inay taasi saamayso laamo badan oo albaabada loo xidho, laanta afka Soomaaliguna waxay sugi doonta bal inay taasi saamayn ku yeelato iyo inkale, weli ma hubno inay na saamayn doonto iyo inkale, balse waxaanu warbixin ka sugayna madaxa sare ee Qaybta World Service.
Kathy Ciise ayaan weydiiyey inuu laanta ka tagay Soo Saarahii Barnaamijyada ee Idaacadda Laanta Afka Soomaaliga ee B.B.C-da Aadan Nuux Dhuulle waxaanay iigu jawaabtay “Walaal Aadan waa kani i ag fadhiya isagaana barnaamijka maanta soo saaraya, dee halkeed adigu warka ka keentay, haddii uu Tagayo waxaanu ka tabin lahayn Idaacadda oo sidii aad Siciid Cali Muuse u maqasheen ayaa loo maqli lahaa” ayey tidhi Kathy.
Warkani ayaa wuxuu ka danbeeyey hadal hayn maalmahii ugu dabeeyeyba si weyn loo hadal hayey oo tibaaxaysay in dhimista baaxadleh ee Dawladda wadaagga ah ee Britain  ku samaysay miisaaniyadii qaybta la hadasha BBC-da Adduunka  ee World Service inay saamayn ku yeelatay qaabkii Maamul ee laamaha ka tirsan BBC World Service.
Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBc-da ayaa waxaa la aas aasay dabayaqadii 50-meeyadii wakhtigaasi oo Gumaystahii ingiriisku uu ku xukumaayey dhulka Somaliland, waxyaabaha ugu waaweyn ee loo sameeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Dagaalkii qabooba ee u dhexeeyey dalalka reer Galbeedka iyo Midawga Sovietka oo adduunyada raad weyn ku reebay isla markaana dunida u kala gooyey laba waaxood oo loo kala yaqaanay Galbeedka iyo Beriga ayaa sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa in dadka afka Soomaaliga ku hadla ay dalalka reer Galbeedku kasbadaan.
Laanta ayaa waxay shaqaynaysay muddo ka badan 50 sannadood waana Idaacadda labaad ee ugu da’da weyn Idaacadaha afka Soomaaliga ku hadla iyadoo Idaacadda Radio Hargeysa la aas aasay sannadkii 1945-kii, tobankii sannadood ee ugu danbeeyey ayaa waxaa hadheeyey laanta afka Soomaaliga ee B.B.C-da khilaafyo soo dhex gallay Madaxa Laanta Afka Soomaaliga Yuusuf Garaad iyo Weriyayaal Mihnadda Warbaahinta caan ku ahaa oo Idaacadda Laanta Afka Soomaaliga kaga soo horeeyey Yuusuf, weriyayaal badan ayaa laanta ka huleelay kuwaasi oo badankood loo malaynaayo in khilaafkaasi saameeyey.

0 comments:

Post a Comment