Monday, October 4, 2010

SAWIRKA MAANTA.Dameer Markii Culeyskuu uu Siday Ka Batay Hawada galay Sida wiishka

Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shebekada caalamiga ah ee burcotoday, wuxuu muujinayaa dameer si arxan daro ah loo raray, oo markii calayskii uu siday miisaankiisii uu qaadi kari waayay uu dameerkii hawada galay sida wiishka. Allah wuxuu amaano dhulka ugu dhiibay oo khaliif uga ah dadka sidaasi darteed hadii mayeedhaanka loo naxariisan waayo waxaa dhici karta cadho Eebe. bal aan ku soo xidho baydad ka mid ah maanso uu tiriyay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)
Haddaan diintu qabanayn

Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa qabtaa jirin
Dadku waa belaayee
In dameerka aadmigu 
Dulmi iyo xanuun bado

Kumay jirin duruustee
Diiwaanka waayaha
Dib ma loogu qorayaa.

0 comments:

Post a Comment