Monday, October 25, 2010

Kadib Gadoodkii Shaqaalaha iyo Saameynta Bilicdii Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka France

 

Marseille(burcotoday) gadoodkii shaqaalaha ee dhawaan ruxey maagaalooyinka waaweyn ee dalka france ayaa lagu soo waramaya iney saameyn weyn ku yeelatey bilicdii iyo muuqaalkii looga bartey magaalooyinkaas iyo sidoo kale dhanka nadaafada,sidoo kale waxa xidhmey oo aan weli furmin wadooyin badan oo loo adeegsan jirey isu socodka dadka iyo baabuurtaba kadib markii ay qarqiyeen baabuur iyo xashiish farabadan oo lagu toomiyey jidadkaas.

hadaba shaqo ka fadhiisashada iyo rabshadaha ka socda dalka france ayaa ilaa iminka aan la qaboojin iyadoo lagu so waramaayo iney ka jirto hoos u dhac ku yimi ama iney aad u yaraatey saliida ama baasiinka ay isticmaalaan baabuurtu iyo weliba in la xidhey xarumo badan oo ku shaqayn jirey matoorada u baahan shiidaalka.
sidoo kala baabuurtii dadweynaha sida tagaasidii (taxi) ayaa lagu soo waramaya iney iyaguna iska dhigeen baabuurtii ka dib markii ay xidhmeen xarumihii kaalmaha ahaa (fuel station), mid ka mid ah dadka ku shaqeysta tagsiile nimada ayaa yidhi “waxaan tagey 10 ilaa 12 goobood oo ah kaalmaha shidaalka waxaan soconaayey dhowr kiiloo mitir waxaan ogaadey in dhamaan si toos ah ay kaalmahaasi u joojiyeen shaqadii ,isla markaasna ay albaabadii u laabeen xarumihii shidaalka,waxan isticmaaley kala badh shidaalkii iigu jirey ,waxan ka fekerey hadii inta hadhey dhamaatana maxaad yeeli?”.
maagaalooyin badan oo dalka frace ah sida marseille ayaa lagu so waramaya iney arintani xitaa keentey in iskuuladii ,xarumihii tareenada iyo isusocdkii guudba ay saameyn weyn ku yeelatey ,sido kale guud ahaan dalka fracne ayaa shaqo ka fadhiisashadani ama gadoodkan shaqaaluhu uu hakad galiyey madaaradii diyaaradaha ,iyadoo ay dawladuna bixineyso digniino ku saabsan shidaal yaraanta soo foodsaartey dalka france.



0 comments:

Post a Comment