Monday, October 4, 2010

Booliska Ingiriiska oo Aad u Kordhiyey ilaalinta Boqorka Prince Harry Kadib Markii Ay Sheegeen In Ururka Al-Qacida Ay Doonayaan Inay dillaan

 

LONDON(burcotoday)- Booliska dalka Ingiriiska ayaa xoojiyey ilaalada wiilka Boqorka ingiriisku dhalay ee Prince Harry kadib markii ay sheegeen in Ururka Al-Qacida ay doonayaan inay dilaan, Booliska ayaa sheegay inay uga baqayaan wiilkaa Boqorka ah inay dilaan Argagixisada islaamka ah iyo kooxaha Irishka ah,

Price Harry oo ah wiilka labaad ee uu dhalay Ninka iska leh dhaxalka Boqortooyada dalka Ingiriiska ee  Crown Prince Charles ayaa looga Boolisku sheegay in la doonayo in la dillo kadib markii uu ka qeyb galay ciidamada dagaalka ee dalka Ingiriiska ee ka dagaalamaya dalka Afganistan sanadkii 2008 kii,

Jariirada News of the World ayaa sheegtay in wiilkaa Boqorka ah loo sameeyey lix nin oo ilaaliya. Nimankaa oo ah qaar hubaysan kana tirsanaan jirey ciidamada gaarka ah ee dalka Ingiriiska ayaa jariiradu sheegtay inay u Raaci doona Prince harry meel kasta oo uu tago,

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay inay jiraan Weeraro ay kooxaha Argagxisada ah ee ku sugan dalka Ingiriiska ay doonayaan inay ku qaadaan Reerka Boqorada ee dalka Ingiriiska, Xukuumada Ingiriiska ayaa aad u kordhisay ilaalinta Reerka Boqorada Ingiriiska oo ay ugu horeyso Boqorada Queen Elizabeth II , & Wiilkeeda dhaxalka iska leh ee  Crown Prince Charles & xaaskiisa  Camilla & Wiilkiisa  Prince William,

Booliska ayaa sheegay in qofka ugu horeeya ee ay doonayaan inay dilaan Ururka Al-Qaacida uu yahay wiilka labaad ee Boqorka Price Harry iyagoo intaa ku daray in Sababtu tahay isagoo kasoo dagaalamay dalka Afganistan iyo isagoo jecel xafladaha muusiga ee habeenkii, Price Harry ayaa waxaa markii hore ilaalin jirey Sadex askari oo ka tirsan Booliska Laakiin iminka waxaa loogu soo daray Sadex nin oo ka tirsanaan jirey Ciidanka gaarka ah ee dalka Ingiriiska oo aad u tababaran,

Jariirada ayaa sheegtay in mas,uul ka tirsan Booliska Ingiriisku uu ka dalbaday Price harry oo 26 jir ah inuu yareeyo Caweysyada habeenkii uu tago oo la sheegay inuu aad u jecel yahay si aanay ururka Al-Qaacida ee dalka Ingiriisku aanay u ogaan dhaq dhaqaayadiisa, Boolisku waxa ay intaa ku dareen in Ururka Al-Qaacida ay mar walba Bartilmaam sadaan dadka kasoo shaqeeyey ciidamada ingiriiska ee dalka afganistan, Price Harry oo ahaa Kabtan ciidankaa kamid ah ayay sheegeen inuu halis ugu jiro in la soo weeraro,



Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment