Monday, October 25, 2010

Madax Weynaha Sudan oo Sheegay In Aftida laga Qaadaayo Dadka Koonfurta Sudan Inay Keeni Doonto Inay Dalka Sudan Kasii Mid Ahaadaan Dalkana Aan La Kalla Jareyn

SUDAN(OODWEYNENEWS)- Madax weynaha adalka Sudan Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa sheegay in Codbixinta ka dhici doonta koonfurta dalka Sudan ay keeni doonto is raaca dalka Sudan ee aanay sababi doonin inuu kala qeybsamo dalka Sudan,

Madax weynaha oo ka hadlayey shirka Baarlamaanka ayaa sheegay in dalka Sudan uu caalamka tusay Xadaarada iyo is fahamka dadka Reer Sudaan iyo inay dadka Reer Sudan jecel yihiin nabada iyo horumarka mar kastana ay u fyran tahay wada hadaladu,
Madax weyne Bashiir ayaa sheegay inay iminka wadaan Wadahadalo ay ku dhameynayaan Arimaha iyo dhibaatooyinka ka jira Gobolka Daar foor isla markaana ay si nabad galyo ah ay ku dhameynayaan qadiyada daar foor,

0 comments:

Post a Comment