Saturday, October 9, 2010

Wacdarihii Bandhiga Buuga Qaylo-Dhaan Deegaan + Soo Tabintii Wacneyd Ee Qoraaga Buuga + Faaladii Dadweynaha Iyo Talooyinkii Masuuliyiinta Kasoo Qaybgashey + SAWIRO

 

Hargeysa (burcotoday)- Naadiga akriska ee Hargeisa Readers Club, ayaa xalay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay buug loogu magac-daray Qaylo-dhaan Deegaan oo uu qorey Agaasimaha Hayada Wadaniga Ah Ee Candlight Axmed Ibraahim Cawaale, kaas oo si qotodheer uga hadlay dhibaatada lagu hayo deegaanka.

Bandhiga Buugani Oo Ahaa Mid Aad Uxiiso Badan Waxaa Kasoo Qayb Galley Wasiirka Xanaanada Xoolaha ,Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka.Dr. Axmed Xaashi Odey,Mareeyaha Hayada Afooyinka Dabiiciga Ah Ee Nerad Maxamed Muuse Cawaale,Qorayaal Ay Ka Mid Yihiin Cabdi Yuusuf Ducaale{Boobe},Xasan Cabdi Madar,Xubanaha Nadiiga Akhristayaasha Hargeysa Iyo MartisharafKalla Duwan.

Ugu Horeyn C/raxmaan Sh.Xasan{Musaabaqo}Oo Kamid Ah Asaasayaashii Naadiga Akhristayaasha Hargeysa Ayaa Ugu Horeyn Bandhigani Kahadley Ayaa Ayaa Sheegey In Naadiga Akhristayaasha Hargeysa Oo La Asaasey  Saandkii 2006dii Bandhigan Caawana Uu Yahey Bandgigii 32aad Ee Naadiga Akhristayaasha Hargeysa Usoo Bandhigo.
Waxaa Uu C/raxmaan Musaabaqo Sheegey In Haatan Naadiyada Akhriska Somaliland Ay Marayaan Heer Ay Gaadheen Dhaamaan Gobolada Somalialnd Iyo Qaarkamid AhDegmooyinka Somaliland waxaanu Xusey In Wax Lagu Farxo Ay Tahey in Naadiga Akhristayaasha Hargeysa Oo Ahaa Naadigii Ugu Horeeyey Ee Somaliland Laga Yegleelo Uu Maanta farxad Ay uTahey In Intaasoo Naadi Ay Sameysmaan.
Waxaa Uu C/raxmaan Uu Madasha Ka Akhriyey Tariikhda Qoraaga Buuga Ahna Agaasimaha Hayada Candlight Axmed Ibraahim Cawaale.
Intaasi Kadib Waxaa Si rasmi Ah Makarafoonka Lawareegey Qoraaga Buuga Qaylo Dhaan Deegaan Axmed Ibraahim Caawale Oo Ahaa Soo Bandhiga Buuga ,
Waxaa Uu ugu Horeyn Axmed Ibraahim Cawaale  Uu Sheegey In Buugu Kakooban Yahey  25 Maqaal Oo Lagu Qorey Laba Luqadood Ee Soomaaliga Iyo Englishka,24 Sawir Oo Ka Turjumaaya Deegaanka Iyo 120 Kalmadood oo Loo Badeley Luqada Somaaliga,,Waxaa Jirey Mar Ay Serfey Ay Niman Aqoonyahan Ah Oo Ingiriis Ahi Ay Kumarayeen Somaliland 1890kii Wakhtigaa Sawirkii ay Deegaan Ahaa wakhtigaa ay somaliland ku arkeen  iyo ka wakhtigan ayey waxbadani iskabadaleen.


Sidoo Kalle waxaa Uu Qoraagu Kawaramey  Qayb Buuga Kamid Oo Ah Ruuxiyada Oo lasoo Tafsiiraayo ayaado quraanka Kariimka ah kamid ah oo Deegaanka Kahadlaaya.
Isagoo Qoraagu Hadalkiisa Siiwata Waxaa Uu Sheegey In Uu Muhiimada Saarey Dhirta Isagoo Tusaale Ahaan Usoo Qaatey Xeebta Batalaale Oo Lagu Beerey 1945kii 12000 Oo Geed Waxaa Sheegey In Wakhtigaa batalaale ay Aheyd meel  Jiq Oo Wada Dhira .


Mar Uu Qoraagu Kawarmaayey Qaxootigii Dalka Dib Ugasoo Laabtey Wakhtigii Dagaalada Kadib In Ay Lasoo Gallen Dhaqamo Xun Xun Waxaa Uu Yidhi{Qaxootigii Wadanka kusoo noqdey waxay dalkalasoo galeen dhaqamo xun xun oo ay kamid yihiin iyagoo dhirtii dalkanilahaa Dabar jarey oo kadhigaytey Xaabo,Aqalo Iyo Waxyaabo Kalle OO Kalla Duwan waxaa Uu Sheegey In Dhirta Dalaka Kadabar Godey Ay Kamid Tahey Wicibtu.

Waxaa Uu Gabagabdii Uu Qoraaga Buuga Qaylo Dhaan Deegaan U Mahad Naqey Shirkada Daabacada Buugaagte Ee Redsea Online Iyo Qoraa Jaamac muuse Jaamac OO Buugani Soosaarey Iyo Hayada Candlight Oo Maalgelisey
yo Sidoo Kalle Nadiga Akhristaaysha Hargeysa Oo Kulankani Soo Qabanqaabiyey.

Wasiirka Wasaaarda Xanaanada Xoolaha,Horumarinta reer Miyiga Iyo Deegaan Mudane Axmed Xaashi Odey Oo isna Munaasibadaasi Bandhiga Buuga Hadley Ayaa U mahad Naqey Qoraha Buuga Iyo Naadiga Soo Qaban Qaabiyey Bandhigani.

waxaa uu wasiirku Xusey in aad moodo  in dadkeenu ay barteen sida dhirta Iyo Deegaanka loobaaabiiyo Waxaa uusheegey in ay muhiim tahey sidii loo dhawrilahaa ilaalinta deegaanka.
Wasiirku waxaa uuxusey in ka wasaarad ahaan ay uyaalaan qorshayaal lagu horumarinaayo Deegaan loona baahan yahey in dhamaan shacabka somaliland ay ilalaiyaan Dhirta Iyo Deegaanka.

Mareeyaha Hayada Afooyinka Dabiiciga Ah Nerad Maxamed Muuse Caawale oo isna halkaasikahadley ayaa tilmaamey Qiimaha UUleeyahey Deegaanku.

waxaakalle oo iyana halkaasi kahadley Qoraa Boobe Yuusf Ducaale iyo Martisharaf Kalla Duwan .
Waxaa sidoo Kalle Madashaasi Bandhigayaaley Buugaag Kalla Duwan Oo Uu Kamid yahey buuga qaylo dhaan deegaan ee lasoo bandhigaayey.

Gabagabadiiwaxaa Ay Dadweynuhu ay Suaalo Kalla Duwan Oo Kusaabsan buuga Ay  Kuweydiiyeen Qoraaga Buuuga Isagoo Qoraaguna Uu Si Hufan Uga Jaahil Saarey Dadweynihii.







0 comments:

Post a Comment