Sunday, October 17, 2010

Hayada Havayoco Oo Wacdaro Kadhigtey Carwadii Qanacsiga Iyo Waxsoosaarka Somaliland + SAWIRO

 

Hargeysa (OWN)- Hay’ada Wadiniga Ah ee Havayoco, ayaa wacdaro la yaab leh ka dhigtey Mudadii ay socotey carwada qanacsiga 5-aad  iyo waxsoosaarka dalka ee somaliland.


Havayoco waxay kusoo bandhigtey carwada qaybo kalla duwan oo kamid ah barnaamijyada ay ku horumaruso bulshada.

Abwaan Axmed Awgeedi Amiin{Dheeraad}Oo Katirsan Masuuliyiinta Sarsare Ee Hayada Havayoco Oo Aanu Kula Kulaney Goobta Carwada ayaa nooga Xogwaramey Qaybta
Seerkis Samaliland Oo Hayada Havayoco hoos Timaada iyo wacdarihii ay kusoo bandhigey madashii carwada qanacsiga Waxaanu Yidhi Axmed Awgeedi{Seerkis somaliland oo ah Dhallinyarada caanka ku ah qaalamad rogadka islamarkaana ah mashruuc hoosyimaada Hayada Havayoco waxay ku bandhigtey show balaadhan Barxada hore ee xarunta hayada shaqaalaha dawlada oo carwada5aad kasocotey halkaasoo ay kasoo qayb galeen daawada showgani dadbadan oo u badan waftigii deeqbixiyayaasha ahaa ee kakoobnaa wariyayaasha iyo madaxda hayada qaraamada midoobey,

Abwaan Axmed Awgeedi Oo waxaa uu intaasi raaciyey{Waxay soo bandhigeen ciyaaro kalla duwan oo ubadan qalaamad jagi kilaabiska,rogodkamka,biitida,iyo ciyaaro kalle oo aad loo jecleystey.waxaa kalle oo ku xardhanaa showgaasi daraamo riwaayad yar oo kooban riwaayadaasi oo magaceedu yahey dagaal Wiil kuma dhasho,waxay kahadleysey nabada iyo qiimaheeda khaasatan kaalinta uugabaygu kulahaa nabada.ruwaayadu waxay ku bilaabmeysaa laba wiil oo yaryar oo geel lajooga oo isdilaaya ,laba reer oo isku jabaaya iyo mar uu dagaalku kululaado oo gabey laga dhextirinaayo gabeygaasina waxaa uu soo afmeerayaa dagaalkii halkaasuuna kujoojinayaa .inkastoo ay ruwaayadu aheyd mid gaaban hadana waxay xambaarsaneyd micne balaadhan ,waxaana fahmikaraayey qofka afsoomaaliga yaqaan,ka aan aqoon,ka dhagahala,a ,ka dhagaha qaba.intuba.}..
sidookalle hayada havayoco waxay kusoo badhigtey carwada qanacsiga iyo waxsoosaarka somaliland qayb kakooban dalaga beeraha kasoo go,a oo lawarshadeeyey sida qamadiga,galeyda,digirta,hadhuudhka,iwm.
waxaa kalle oo hayadu soo dharka caruurta noocyadiisa kalla duwan oo ay soosaarto warshad hoostimadaa h ayada lagtigeeda.
hayavoco sidookalle waxay soo bandhigey muqaalo kalla duwan ookaturjumaaya waxqabadadii ugu dambeeyey ee xaga horumarinta bulshada oo ay kamid yihiin wakhtiyadii abaaraha ooay biyo uqaybisey meelaha ay biyo la,aantu kajirtey….

0 comments:

Post a Comment