Sunday, October 3, 2010

Dagaalo Saaka Ilaa xallay Ka Soconaya Magaalada Muqdisho Kadib Markii Ciidamada Amisom Ay Saldhig Cusub Ka Sameysteen Degmada Hodan

 

MUQDISHO(burcotoday)- Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo  fadhiisimo ka sameystay Isbtilaakii hore ee xoogga ee degamada Hodan, ayaa keenay inay halkaa xalay ay weerar ku qaadaan xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Galinkii Dambe ee shalay ayay cutubyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay fadhiisin cusub ka sameysteen Isbitaalkii hore ee xoogga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo taasi keentay in  xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG  iyo ciidamda Midowga Afrika ee AMSIOM ay weerar ku qaadeen isla xalayba.
Dagaalka ayaa  waxaa ku geeriyootay 3-qof oo rayid ah iyadoo tiro intaa ka badan way ku dhaawacmeen madaafiicdii iyo rasaasti ay is weedaarsanayeen ciidamada AMISOM iyo dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa  ku daraya in dadkii faro ku tiriska ahaa ee ku hadhay degmada Hodan ay bilaabeen saaka in ay isaga barakacan xaafadahoodii waloow ay walaac ka muujiyeen duqeynta madaafiicda ay labada dhinac isku adeegsanayaan.
Dhinaca kale dagaal iyo duqeymo goos goos ah ayaa saaka waxay ka socdaan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaaadir halkaas oo dhinacyada isaga soo horjeeda Maagaalada Muqdisho ay isku weydaarsanayaan Madaafiic iyadoo aan la ogayn qasaaaraha dhabta ah ee ay  geysteen dagaalada iyo duqeymaha goos gooska ah ee ka  soconaya qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

0 comments:

Post a Comment