Wednesday, October 6, 2010

Jamacada Burco Oo Ka Horu Martay Jamacadihii Kale Dalka,

Burco( Togdhnews) Jaamacadda Burco ayaa  Qiimeyn Jaamacadaha Dalka Lagu Sameeyey Ka Hormartay Jaamacadihii kale:-Jaamacadda Burco oo Qiimeyn Jaamacadaha Dalka Lagu Sameeyey Ka Hormartay Jaamacadihii kale:-
 
• Cilmi Baadhis Daah Furtay Heerka Tacliinta Sare ( Jaamacadaha) ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay la soo bandhigay, Cilmi baadhistan oo uu soo diyaariyey Proffessor reer Somaliland ah oo Jaamacadaha UAE bare sare ka ah, ayaa waxa uu xogahan ka soo ururiyey Wasaaradda Waxbarashada, Jaamacadaha, iyo ilo Madax banaan oo Caalami ah, mana aha cilmi baadhistii ugu horeysay ee laga diyaariyo Jaamacadaha Dalkan, Cilmi baadhistan oo noqoneysa tii labaad ee nooceeda ah ee la soo bandhigo.
• Jaamacadaha Qiimeynta lagu Sameeyey ayaa Waxa ay kala ahaayeen Jaamacadda Camuud oo la aasaasay 1998-dii, Jaamacadaa Haregisa oo la aasaasay 2000, iyo Jaamacaada Burco oo iyadana la aasaasay 2004-tii, Waxaana had iyo Jeer qiimeyta Waxbarashada Sare loo daba fadhiistaa  Meelaha laga qiimeeyo oo ay ka mid yahiin: Webometrics, Times Higher Education, Academic Ranking of World Universities (ARWU) iyo Shanghai Jiao Tong University. Hadaba Marka Jaamacadaha la qiimeynayo waxaa loo eegaa arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Tayada Waxbarashada ( Education Quality), Tayada Proffersor-ka wax ka dhiga Jaamacadda, Cilmi baadhista ay sameysay jaamacadda, Iyo Baaxadda Jaamacadda.

• Waxaa Cilmi Baadhistan Sameeyey Proffersor Iqra oo Bare Sare ka Ah Jaamacadda Al Cayn, ee Wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta oo Shahaadada PH.D-da ku Diyaariyey Cilmiga Stastistics-ka uu u soo bandhigay daraasadan ay sameysay Webometrics-ka halkaas oo lagu soo bandhigay qiimeyn hadheyneysa 12000 ee Jaamacadood ee Aduunka ugu Horeeya, tasoo tilmaamtay in Jaamacadaha Somaliland- ku yaala ay ugu horeyso Jaamacadda Burco oo iyadu ah tii ugu yareyd oo lix jir ah isla markaana ay gashay Kaalinta 10172,  iyadoo Jaamacadda ku soo xigtay ay ahayd Camuud oo Gashay 11483, iyo Jaamacadda Hargeisa oo iyaduna Higsatay Kaalinta 11500, taasi oo tilmaam dhab ah  kaa siineysa in Jaamacaddii Burco ay horumar dhab ah ka samaysay dhanka Waxbarashada iyo Tayaynta Tacliinta Sare ee Dalka,
 Waxaa dad badan la yaab ku noqotay oo afkala qaad mooyee wax kaleba ka soo bixi waayeen in markii ay ogaadeen in jaamacadaha faraqa u dhaxeeya ama kala horeyntooda ay u dhaxeeyaan 1300 jaamacadood oo caalmi ah, taas oo ku tusaysa in uu yahay farqi aad u weyn, arinkaasina uu ku yimi dadaal hadh iyo habeen la galay oo loogu jiray sidii jaamacadda burco boodh-ka loo masixi lahaa taasoo la wada ogyahay mudooyinkii danbe in Jaamacaddu Murano iyo isqabsiyo dhanka Maamulka ahi uu jiray, waxaa mahad eebe ah in Maanta ay mar kale soo rogaal celisay Jaamacaddi Umadda reer Togdheer muruqooda iyo maalkoodaba ay u hureen,
Qofka Xaalka Jaamacadda Burco La socdaana Waxa uu ka dharagsanyaha in Jaamacadda Burco ay Taladeeda sare ay ka arimiyaan Gudi Madax banaan oo ah Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer, Gudidaas oo Gobolka Waxyaabo badan ku soo kordhiyey Sida In ay Dhiseen Jaamacadda Burco, in ay Dhiseen Biriishka Labaad ee Burco, in ay Dhiseen Cisbitaalka Waalida ee Maandhaye ee Burco, taas oo kor u sii qaadeysa Tayada iyo Horumarka Gobolka Guud ahaan.

• Jaamacadda Burco, Waa Jaamacad Da’yar marka la eego xiligii la aasaasay oo ahayd 2004-tii  halkaas oo lagu bilaabay 4 kuliyadood oo kala ahaa ( Kuliyada Ganacsiga iyo Maareynta ( Faculty of Business Administration), Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ( Faculty of Sharia and Law), Kuliyadda Waxbarashada ( Faculty of Education), Kuliyadda Xanaanada Xoolaha ( Faculty of Vet-nary) halkaas oo ay ka ay ka qalin jabiyeen arday ku dhow 100 arday dufcadii koowaad oo ahayd sanadkan 2010 Bishii 3aad, Waxaana xiligan  Jaamacadda Burco lagu soo kordhiyey Afar Kuliyadood oo kale kuwaas oo tirada guud ee Kuliyadaha ka dhigeysa sideed (8) Kuliyadood.

• Kuliyadahan aadka u qiimaha badan ee lagu soo kordhiyey Jaamacadda Burco waxaa ka mid ah: Kuliyadda Caafimaadka (Faculty of Medicine), Kuliyadda Injineerinka (Faculty of Engineering), Kuliyadda Beeraha (Faculty of Agriculture) iyo Kuliyadda Luqadaha ( Faculty of Languages), dhamaan kuliyadahaas waxa ay bixinayaan undergraduate certificates oo ah Shahaadada Becholars-ka loo yaqaano, sidoo kale waxaa jira in qeybo ka mid ah kuliyadaha laga qaadan karo Shahaadada Diplama-da ah.

• Guntii iyo Gabo gebadii, maqaalkan nuxurkiisu waxa uu ahaa “ Hadii lagu sheegana is shareer, hadii lagu shareerana is sheeg” oo aan uga gol leeyahay in inta badan horumarka Jaamacadda Burco ay samayso aan ahayn mid si weyn looga xuso meelo badan, balse waxaan ku soo gunaanadayaa in talaabadan jaamacadda Burco ay qaaday ama ay ku talaabsatay ay tahay mid horumar ah, isla markaana loo baahan yahay in Jaamacdda dalka ka jira ku daydaan tusaalahan Fiican.
Allaa Mahad Leh.
FG: Qofkii u baahan in uu xogo dheeraad ah ka helo Daraasadan, waxa uu si toos ah u booqan karoo labadan website kan :
http://www.webometrics.info/top12000.asp?offset=10172
Jamacada Burco Oo Ka Horu Martay Jamacadihii Kale Dalka, PDF Print E-mail
Wednesday, 06 October 2010

0 comments:

Post a Comment