Monday, October 18, 2010

Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-Galay Munaasibad Lagu Xusayey Sanad Guurada 26-aad ee Maalinta Shuhadada SNM ee 17-kii October 1984-kii

 

Hargeysa (burcotoday)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb galay munaasida xuska  sanada guurada 26-aad ee maalinata shudada ee 17-Octeber ee Sanadii 1984kii.
Maasibdan oo maanta lagu qabtay xaraunta beerta xoriayda ayaa waxa ka soo qayb galay  waftii uu hor kacayo madaweynaha Somaliland Md Axmed Maxmed Siilaanyo Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi jaamca (Geel Jire), Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday, Godoomiya Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Godoomiya Ururka SOOYAAL iyo Masuuliyiintii ururkii SNM.
Waxa halkaas ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxmed Siilaanyo waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ maanta farxadwey ayey ii tahay in aan idin kala  soo qayb galo munaasibdan lagu xusayo shuhadadii mujaahidiintii SNM ee u soo dagaalamay xoriyadan aynu maanta dugsanayno, dawlada aynu maanta haysano,in badan waad maqasheeen maanta waxaan hada leeyahay mar dambe xabad la qaadan maayo ee cod baa wax lagu badalayaa  oo  wax lagu dooranayaa” sidaan waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Waxa kaloo uu sheegay Madaxweyha Somaliland  Md. Axmed Siilaanyo in maaata ay bulshada Somaliland gaadhay guul aad u weyn,  sidoo kalena dalka uu  ka hirgalay isbadalkii ay daku ku taamayeen, waxan uu Madaxweyne  Siilaanyo bulshada su oo jeediyey in ay ilaashadaam Amaanka dalkooda iyo Nidaanka dumuquraadiga ah.
Sidoo kalena waxa uu Madaxweyne  Siilaanyo ka sheekeeyey dhacdadii burduurlay iyo maalitaas halkii uu ku sugnaa waxan isagoo arintaas ka hadlaya uu yidhi “ 17-oct-1984kii waxaanu maalintaas ku sugnaa Xaruntii SNM ee Magaalada Diridhaba waxana maalintaas noo  yimid  deeq bixiyayaashii aanu saaxiibka ahayn oo dawlado badanI  ka mid ahaayeen ku waas oo wax naga tari jiray halganka,  maalintaas iyadoo  nala leeyahay  ma qabateen hawlihiinii ayaa weerarkaasi dhacay oo waliba Ethobia gudeheeda uu  ka dhacay, halkaas oo ay ku dhinteen shuhadadii waaweynaa oo uu horkacayey Mujaahid  Lixle iyagoo naftooda huray, waxana aanu maalintaas cadaynay in aanu anagoo Ethobia gudeaheeda joogana aanu isdifaacnay,  hawlgalkaas wixii ka dambeeyena  waa intii uu bilamay guda galkii weynaa” Sidaana waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.
Sida oo kalena waxa uu Madaxweyne Siilaanyo cadeeyey in  uu diyaar u yahay in uu fuliyo balan qaadyadii uu balandaaday mudadaii lagu jiray tartankii doorashada  waxa kale oo uu sheegay Md.Siilaanyo in uu ku dadaalyo in kor loo qaado karaamada iyo sharafta mujaaahidiintii SNM, sidoo kalena waxa uu u doceeyey ku wii ku shihiiday halgagii dheeraa aa ay SNM soo gashay.
Waxa kale uu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in uu balan qaadayo in uu gaadhsiiyo umada reer Somaliland waxyaabihi ay ku taamayeen Shuhadadii SNM, waxaanuu intaas ku daray in ay dawaldiisu aad u qadarin doonto agoomaha iyo naafada ka soo hadahay ururkii SNM.
Waxa isaguna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Dr.Maxmed Cabdi Gaboose waxa hadaladiisii ka mid ahaa    “daruusta laga dhaxli karo halgankii SNM waxan ka mida  in ahdii uu maamulku xumaado dhaxal xumo uu kaga tago dadkiisa waxana ta maanta ka muuqata Somalia waxaan ilaahay ka rajaynaynaa in madaxdeena maanta jooga iyo tan soo socotaba ay duruustaa ku cibra qaataan” sidaan waxa yidhi Dr.Gaboose.
Waxa kale oo uu Dr.Gaboose sheegay in maanat ay Madaxweynaha ay horyaalaan kumanaan agoon iyo curyaamiintii SNM ah oo u baahan gargaar iyo taakulo, waxa uu Dr.Gaboose sheegay in dadkaas tabaalaysan aanay wax gargaara helin mudaii hore, waxan uu sheegay Wasiirka Arimaha Guduhu in ay maanta dadka ku dhalatay rajo cusub taas oo ka dambaysay  ayuu yidhi kadib markii uu Madaxweyha Somaliland loo dooratay Axmed Maxmed Sillaaanyo oo ahaa Hogaamiyihii ugu muda dheeraa ee soo mara hogaanka  ururkii SNM.
Ugu dabayntiina waxa uu Dr.Gaboose  sheegay in imaatinka Madaxweyaha  ee xuska maalinta shuhada ee 17-oct- ay ka makar khaati ka cayso in isbadal taam ahi  ka hir galay Somaliland, waxan uu ugu baaqay shacaba marnaba in aanay ilaabin mujaahidiintii u soo halgamay xornimda wadanka Somaliland.
Waxa kaloo munaasibadas ka hadlay Gudoomiyaha  Xisbiga Kulmiye  Muj. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in dadkii ku shahiiday halakankii SNM ay ujeedo lahaayeen, ujeedadaas uu uu u tilmaamay Muuse Biixi in ay ahay in dadlaka  Somaliland uu noqdo dal xora, oo madaxbanaan, aayihiisana ay ka taliyaan dadkiisu,  waxan uu sheegay in halgankaas uu wali socdo.
Waxa kale uu uu sheegay Gudoomiyah xisbaiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Md.Muuse Biixi in dadkii u shahiiday halgankii ay naftooda u hureen in  shabaku midaynsnaado, waxwada qabsado, laga tago qaloqalo ama  guruub guruub.
Waxa isguna halakas ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Md. Aadan Maxmed Mire(Waqaf)  waxana uu sheegay in dhadcada ay ku suntan tahay 17-oct-1984kii ay wax badan ka badashay siyaasadii iyo istaraatijiyadii wakhtigaas  haday ahay tii SNM gudaheeda ama tii Dawaldii macangaga ahayd ee Siyaad Bare, waxnaa sheegay Md.Waqaf in maalintaas ay SNM wax badan ku kas batay hawlgaskaas sidoo kalena ay ku wayday geesiyaal waaweyn oo uu ka mid yahay Marxuum Maxmed Xaashi (Lixle).
Waxa kale uu Mudane Waqaf sheegay in hawlgalkii (Buro duuray)  ayt SNM ku  soo noolaysa kalsoonidii shacabka  iyo in ay dawlada Ethobai ka heshay taageero buuxda.
Waxa kale oo hadaladii Aaadan Waqaf ka mid ahaa “maanta waxa dalka joogta xukuumada u diyaara in ay xusto gacana siiso intii dhimatay agoontoodii iyo naafadoodii, waxana uu sheegay in xukuumada maant laga sugayo in ay fuliso wixii  baaqday oo ay kow ka yahay taageera mujaahidiintii iyo agoomahoodii ay ka tageen inta nool, sidoo kalena taariikhdii SNM la ururiyo manaahiijta lagu daro” sidaan waxa yidhi Md.Aaadan Waqaf.
Waxa kale uu uu intaas ku daray Mudane Waqaf isagoo coddheer ku hadlayey “Somalilandnay halgankii ma dhamaan ee wajiyo kale ayuu yeeshay, waxa la diidan yahay jirintaan keena, midnimadeedan iyo wada jirkeena, Waxaanan leeyahay dagaalkii wali waa socdaa waxaana aynu ku gaadhi karnaa midnimadeena iyo wada jikeena oo aynu ilaashano, waana lanoo soo han-qaltaagayaa waxana la doonayaa in la fadshiliyo guushii SNM” sidaana waxa yidhi Aaadan Maxmed Mire (Waqaf) Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID.
Intii tii aanay bilaamin munaasibadan ayaa waxa koox ardayda dugsiyada hoose  ah oo ay hor kacayaan ciidanka taraafikada ayaa socod ku soo mareen wada faras magaalaha magaalda hargeysa iyagoo socdkoodaas ka soo bilaabay xarunta Wasarada Arimaha gudaha horteeda iaygoo socdkoodaa ku soo gabagabeeyey xarunta beerte xoriyada.
Isku soo wada xooryooo munaasibada ayaa waxa ay u dhacaday si aad u qurux badan aadna ugu duwan munaasibahii hore ee nooceeda oo kale ahaa, arinta kale ee xusida mudan ayaa waxa ay atahay in aanay fagaarihii lagu xusayey maalinata shuhada aana ka soo xaadirin waxa masuula oo ka tirsanaa xukuumadii hore ama xisbaiga macaaridka ah ee UDUB.

0 comments:

Post a Comment