Wednesday, October 27, 2010

Wafti Meqaamkiisu Sareeyo Oo Ka Socda Dalka Denmark Oo Maanta Booqosho Ku Yimi Somaliland + Kulan Ay La Yeesheen Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiiro

Hargeysa (burcotoday)- Wefti culus oo uu hogaaminayo Wasiirka Horumarinta Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawlada Denmark Mr. Sorn Pind, ayaa maanta booqasho ku yimi Somaliland.

Weftigan oo ka soo degay gegadda dayuuradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland, Madax sar sare oo dawlada ka mid ah iyo Taliyaasha ciidank booliska Somaliland.
Weftigan oo la dejiyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay halkaas kula kuleen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo wasiiro ka tirisan Xuluumadadiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta Dr. Sacad Cali Shire.
Waxaana ujeedada weftigani tahay sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen xaalada Somaliland iyo mashaariic kala duwan oo dawlada Denmark ka waddo Somaliland, isla makaana kulanka dhex-maray Masuuliyiinta Somaliland waxa ay kaga wada hadleen arrino si gaar ah u taabanaya Waxbarashada, Caafimaadka, Miino-saarka, Biyaha, Nabadgelyada iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Madaxweyne Silaanyo ayaa weftiga uga xog-waramay taariikhdii kala duwanayd ee ay Somaliland soo martay, doorashooyinkii waddanka ka dhacay iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee waddanka ka hana-qaaday, isla markaana waxa ay u iftiimiyey waxyaabaha kala duwan ee Somaliland u qasoomay muddadii ay jirtay.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu weftiga u sheegay arrimaha biyo-kam-dhibcaanka ah ee Somaliland uga baahan tahay waddanka Denmarka inuu ka caawiyo sida horumarka, nabadgelyada, Maamul-wanaaga iyo guud ahaan kaalmooyinka beni’aadamnimo, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu dawlada Dermark uga mahadceliyey kaalmada ay mar walba la garab taagan tahay Somaliland.
Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isna weftiga u gudbiyey proposals ay ku qoran yihiin mashaariic kala duwan oo ku saabsan horumarinta Somaliland iyo arrimaha ko-ku-xusan ee ay labada dhinac ka wada hadleen.
Gebi ahaanba saaka waxa aad loo adkeeyay ammaanka jidka dheer ee isku xidha garoonka diyaaradaha Cigaal iyo madaxtooyada oo ahayd meesha weftiga lagu soo dhawaynayay.

0 comments:

Post a Comment